Maalinti labaad oo ay Muqdisho ka socoto howlaha wareejinta guryihi hore ee dowlada

Published: February 5, 2012

Kadib marki shalay laga saaray qoysas daganaa gurigi Hooyooyinka iyo Jaamacadi hore ee Umada ee magaalada Muqdisho ayaa maantana waxaa dowlada lagu wareejiyey dugsigi hore ee Dhame Yaasiin Cartan.

Dugsiga Dhame Yaasin Cartan oo ku yaala degmada Dharkeenleey ayaa waxaa wareejiyey maamulka degmada iyadoo laga qaaday dad gaar u heystay oo ku intifaacayey 20-ki sano ee lasoo dhaafay.

Xaflad ka dhacday xarunta dugsiga oo uu soo ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya, Sharif Shiiq Axmed ayaa waxa qudbado ka jeediyey gudoomiyaha degmada Dharkeenleey Macalin Cabdulle Cali Hilowle iyo Madaxweynaha.

Madaxweyne Sharif ayaa sheegay in laga gudbay waqtigi qabiilka haatana Soomaaliya cagaha gelisay wadadi dib u dhiska, isaga oo sheegay in laga saari doono dhamaan shacabka iyo dadka gaarka u heysto xarumihi dowlada.

Wuxuu shegay in dib u dhis lagu sameynayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan dhamaan xarumihi dowlada ee ku bur buray dagaalada sokeeye, isaga oo si gaar ah u abaaray iskuulada.

Dowlada KMG ayaa wado qorshe aysan horay u sameyn dowladihi ka horeeyey oo ah in dadka xooga ku heysto guryahi hore ee dowlada laga saaro.

 

Horseed Media