Dadki daganaa bacadlihi Xamar Weyne oo 21 sano kadib maanta laga saaray

Published: February 6, 2012

Mudo 20 sana ah kadib ayaa waxa maanta laga saaray qoysas ku noolaa Bacadlihi Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho kadib munaasabad maanta halkaasi ka dhacday.

Kulan ay wada qaateen madaxda dowlada iyo gudiga hayey Bacadlaha Xamar Weyne ayey dowlada KMG Soomaaliya ugu danbeynti kula wareegtay xarunta Bacadlaha oo ka mid ah meelaha fara ku tiriska ah ee ka badbaaday burburki ka dhacay dalka.

Hadal uu ka jeediyey goobta madaxweynaha dowlada FKMG Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed ayuu ku amaanay beesha hayesay xarunta iyo ninki sida gaarka ah u maamulayey mudadi fowdada, isaga oo intaasi ku daray in dowlada ay siin doonto shahaado sharaf.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in hada ay dowlada KMG Soomaaliya wado qorshe ay gacanta ugu dhiseyso ilaa iyo 96 iskuul oo ay intooda badan hooy u yihiin dad ku dagan si sharci darro ah.

Waa maalinti sadexaad oo ay dowlada la wareegeyso xarumaha muhiimka ah ee dowladi hore, shalay iyo daraad waxay gacanta ku dhigtay Gurigi Hooyooyinka, Jaamacadi hore ee Umada iyo Iskuulki Dhame Yaasin Cartan.

 

Horseed Media