Madaxweyne Sharif oo ugu baaqay wasaarada warfaafinta in ay kiciso tiyaatarka qaranka

Published: February 6, 2012

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed ayaa ku dar dar geliyey wasaarada warfaafinta in ay ku guuleysato dhisida tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey kulan ay kasoo qeybgaleen fanaanta hobalada Waabari oo ka dhacay Akadeemiyada Janaraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab ayuu sheegay in ay muhiim tahay in lasoo nooleeyo fanka Soomaaliyeed oo uu aabe u yahah tiyaatarka.

Wasiirka warfaafinta dowlada KMG Soomaaliya C/qadir Jaahweyn oo ku sugnaa kulanka ayuu ugu baaqay in uu is muujiyo isla markaana daba raaco wadadi ay mareen wasiiradi ka horeeyey oo uu sheegay in ay kiciyeen Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka.

“Wasaarada warfaafinta waa ka nasiib badantahay wasaaradaha kale, wasiirki ugu horeeyey wuxuu kiciyey Radio Muqdisho, wasiirki ku xigayna Telafashinka Qaranka, adigana waxaan kaa rajeynaynaa in aad kiciso tiyaatarka qaranka,” ayuu yiri.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday xanuunka fanaanka caanka ah ee Cabdi Tahliil Warsame oo dhawaana lagu dhaawacay gurigiisa oo ku yaala xaafada Fiyoore, isaga oo la hadlayey fanaaniinta ayuu sheegay in uu xaalkiisa ka war hayo isla markaana garab taaganyahy dhamaan fanaaniinta Soomaaliyeed.

“Waxaan idiin sheegaya balan qaadkii loo sameeyay fanaaniinta Soomaaliyed in la meel marin doono, inaan idin adkeeyo in horumarinta Fanka iyo Fanaaniinta inaan u taaganahay, balan qaadkii horay u dhacay waa daba taaganahay, saakaya u dambeysay Wasiirka Warfaafinta waxaa ka wareystay arrintii Fanaan Cabdi Tahliil meesha uu marinayo, sidoo kale arrinta Tiyaatarka, waxaan rajeynayaa dhowr bilood kadib in Tiyaatarka uu diyaar ahaado, waliba inteena inuu naga badan doono”ayuu yiri madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa waxaa saameyn weyn ku leh fanka iyo suugaanta, waxaana wali ku sugan dalka abwaano, fanaaniin iyo curiyaal door kasoo ciyaaray fanka Soomaaliyeed.

 

Horseed Media