Faah faahin ku saabsan qarax khasaare badan geystey oo galabta Muqdisho ka dhacay [Sawiro]

Published: February 8, 2012

Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay meel u dhow Hotel Muna ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 11-qof ayaa la xaqiijiyey inay weerarkaas ku dhinteen 14-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka geeriyoodey ku jira ninkii watey gaariga qaraxa lagu fuliyey.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas waxayna tilmaameen inay weerarkaas ku dileen saraakiil badan oo ka tirsan DKG ah.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sidoo kale baahisey in bartilmaameedka weerarkaasi uu ahaa Al-fatxi oo ah goob maqaaxi ah oo laga shaaheeyo kuna taal dhabarka danbe ee Hotel Muna.

Sababta ayey ku tilmaameen inay tahay maadaama ay goobtaas galabtii fariistaan in badan oo kamid ah sirdoonka dowlada KMG ah waa sida ay warbaahinta Shabaabku faafisaye.

Ma ahan markii ugu horeyse ee Hotel Muna oo ku yaal degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho islamarkaana ku dhow xarunta madaxtooyada qarax noocan oo kale ah lala eegto.

Haseyeeshee bishii August ee sanadkii 2010 ayey ahayd markii ay 15-qof oo xildhibaano Baarlamaanka FKMG ah ka tirsan u badnaa ay ku geeriyoodeen weerar qarax ah oo ay Shabaabku Hotel-kaas la bartil maameedsadeen.

Horseed Media

┬®Sawirada: RM