Shirkii Dasuurka Soomaalia oo si rasmi ah Garowe uga furmey (Sawiro + Cod)

Published: February 16, 2012

Shirkii Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga fumey xarunta Jaamacadda Puntland ee magaalada Garowe. Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Dawladda Federaalka Soomaaliya, Galmudug, Ahlu-Sunnah iyo Puntland oo marti loo ahaa, sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socda ururada rayidka ah, Odoyaasha dhaqanka, haweenka iyo culimada Soomaaliyeed.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa isla markaana fududeynayey xubno ka socda beesha Caalamka

Shirkan ayaa lagu qeexaya dastuurka uu yeelan doonto dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa dhabbo cad loogu jeexaya nidaamka Federaal ee Soomaaliya noqon doonto. Shirkan ayaa ah mid daba socda shirkii hore ee lagu qabtey magaalafda Garowe kaas oo loogu magacdaray Garowe Principles, waxaana uu dhamaystir u yahay qaybtii qabyada ka ahayd Road Map-ka ee dastuurka iyo Federaalka.

Dhegayso Khudbadihii laga jeediyey:

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/madaxwaynaha-Puntland.mp3″]

Afhayeenka Baarlamaanka DFKG SHariif Xassan Shiikh Adam

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/shariif-barlaamnka.mp3″]

Raysalwasaaraha Soomaaliya Prof.Cabdiweli Cali Maxamed

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/gaas.mp3″]

Madaxweynaha Galmudug Col.Caalin

[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/madaxwayne-caalim.mp3″]

Sawiro:

KPICASA_GALLERY(SawiradaShirkaGarowe2)

Maxamed Siciid Yusuf
Wakiilka Horseed Media
Garowe, Puntland, Somaliya