Amisom oo la gaarsiinayo 17 000 oo askeri

Published: February 18, 2012

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa meel-mariyey qaraar sheegaya in tirada ciidamada AMISOM ee hadda jooga Soomaaliya la gaarsiiyo 17 700 oo askeri.

Xubnaha Goalaha Amaanka oo dhan 15 dal ayaa si buuxda isugu raacey qaraarka AMISOM kor loogu qaadayo. Qaraarkan waxaa soo bandhigey isla markaa gadaal ka tgaagnaa dalka Ingriiska oo todobaadka danbe qabanaya shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya kaas oo heerkiisu sareeyo.

Golaha Amaanka ayaa sidoo kale isku raacey in la tayeeyo korna loo qaado Ciidamada TFG-da ee Soomaaliya si ay wax uga qabtaan amaanka.

Ciidamada AMISOM ee hadda ku sugan Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay gaarayaan 12 000 kun oo askeri kuwaas o ka kala socda dalalka Uganda, Burundi sidoo kale waxaa jira Ciidamo yar oo ka socda dalka Jabuuti, qaar kamid ah Gobolada Koonfureed waxaa dagaal ka wada ciidamada Kenya iyo Itoobiya kuwaas oo aan ku socon magaca AMISOM. Waxaa lagu wadaa shirka London kadib in ay soo baxaan dalal kale oo Afrikaan ah kuwaas oo ciidamo u soo dira Soomaaliya.

Horseed Media