Shirkadda Golis oo dhintay qiimaha lagu waco gobolada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi [Sawiro]

Shirkadda isgaarsiinta ee ugu weyn deegaanada Puntland ee Golis ayaa maanta shaacisay inay wax ka bedeshey qiimihii lagu wici jirey qaar kamid ah gobolada dalka.

Shir Saxaafadeed oo ay mas’uuliyiinta dhinaca iibka iyo suuqgeynta shirkadaas u qaabilsani ku qabteen xarunteeda weyn oo ku taalla magaalada Boosaaso ayey arintan kaga warbixiyeen.

Madaxa suuq geynta ee shirkadda Golis Siciid Xuseen Ciid ayaa ugu horeyn hadlay wuxuuna sheegay in shirkaddu iyada oo u daneyneysa macaamiisha ay garatay inay wax ka dhinto qiimihii lagu wici jirey gobolada koonfureed iyo kuwa waqooyi ee Soomaaliya(Somaliland).

Mr Ciid ayaa tilmaamay in la dhimay kala bar qiimihii horay loogu wici jirey deegaanada ay ka shaqeeyaan shirkadaha Telsom iyo Hormuud lagana dhigay 5-cents oo u dhiganta 1,200.sh.s, isagoo ugu baaqay bulshada inay ka faa’iideystaan fursaddan qaaliga ah ee ay shirkaddu siisay.

Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq) oo isna ah hogaanka ganacsiga ee shirkadda Golis ayaa ka warbixiyey adeegyo badan oo ay shirkaddu bishan gudeheeda kusoo kordhin doonto hosha ay bulshoweynta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ku nool u hayso.

Cumar Faaruuq ayaa intaas raaciyey in Golis oo looga bartay adeeg hufan ay bishan gudeheeda bilaabi doonta bixinta adeeg Internet oo ah kan duniga ugu casrisan ugu xawaaraha sareeya kaas oo ay bulshada ku dhaqan magaalooyinka Boosaaso, Garoowe, iyo Gaalkacayo ay kaga kaaftoomi doonaan baahidii Internet ee ay qabeen.

Shirakadda isgaarsiinta ee Golis waa shiraddii ugu horeysey ee deegaanada Puntland ka hirgelisa adeegga GSM-ka moobilada, waxaana qiime dhimista ay maanta sameysey ka faa’iideysan doono dadweyne aad u tira badan kuwaas oo si joogto ah ula xiriiri jirey gobolada koonfureed ee ay ka shaqeyso shirkadda Hormuud iyo gobolada waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) oo ay ka jirto shirkadda isgaarsiinta ee Telesom.

Horseed Media
Boosaaso

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.