Al-shabaab oo iska fogeeyey mas’uuliyadda qaraxii Nairobi

Ururka Al-shabaab ayaa iska fogeeyey eedeyn uga timid madaxda dalka Kenya oo ahayd in qaraxii labo beri kahor ka dhacay bartamaha magaalada Nairobi ay iyagu ka danbeeyeen.

Xarakada Al-shabaab inaysan lahayn mas’uuliyadda qaraxaas ayaa lagu xusay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee ururka Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedkan lagu sheegay in qaraxaas ay ka danbeeyaan madaxda dalka Kenya, ujeedadiisuna ay tahay sidii ay shacabkooda ugu marin habaabin lahaayeen.

Al-shabaab ayaa dhinaca kale sheegay in qaraxaasi uu tilmaan cad u yahay sida ay dowladda Kenya ugu fashilantay siyaasadda gudaha iyo midda dibadda ee ku wajahana Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ammaanka ee dalka Kenya ayaa horay qaraxii labo bari kahor ka dhacay goob Basaska laga raaco oo ku taal magaalada Nairobi ku eedeeyey Al-shabaab.

Qaraxaas oo ka dhashay Bumbooyinka gacanta laga tuuro ayaa galaaftay nolosha 7-qof iyo dhaawac soo gaarey tobanaan kale kuwaasoo qaar kamid ah ay xaaladoodu aad u liidato.

 

Horseed Media

Muqdisho

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.