Munsaabad loogu baroor diiqayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka dhacday Seattle Maraykanka [Video+Sawiro]

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Seattle ee Gobolka Washington ayaa maanta isugu yimid kulan ballaaran oo qorshihiisu ahaa tacsi qaran oo loo sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliyeed Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed oo usbuucii hore dabayaaqadiisii ku geeriyooday Xarunta Isutagga Imaaraatka Carabta ee Abu-dabay.

Kulankaan oo ay sifiican uga soo qayb galeen guud ahaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Seattle ayaa waxaa soo qaban qaabiyey aqoonyahan, waxgarad iyo Ganacsato reer Seattle ah, oo ay ka mid yihiin C/qani Cabdi Cilmi (Dhiice), C/fitaax Xasan Gure(Guudle), C/llaahi Faarax Sanyare, iyo C/rashiid Shire Bile.

Isu-imaatinkaan ballaaran oo lagu maamuusayey Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa goobta ka hadlay waxgarad, aqoonyahan, saraakiil iyo weliba Isimo iyo Culumaa’udiin, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii hadalka la siiyey ka mid ahaa Sheikh Maxamed Xuseen Cali (Ciye), General Saalax Hassan Jaamac (Salax Liif) Ugaas Cabdiqani, Gaashaanle Sare C/qaadir Shire Faarax (Ereg)  Dr: C/kariim Axmed Karaani), Gaashaanle Sare Yuusuf Khaliif Xasan Cadde, Abdi Ibraahim Aadan (Abdi dheere), Mohamed Mohamuud Cawiif, Dr C/xakiin Axmed Xaashi, Cibaado Xaaji Xasan, Nadiifo Xasan Abshir dhoore iyo masuulyiin badan oo aan magacyadooda halkaan lagu soo koobi karin.
Waxgaradka iyo iyo masuuliyiinta meesha ka hadlay ayaa dhammaantood muujiyey murugada iyo dareenka adag ee ku aaddan Geerida Allaha u naxariistee Madadaxweyne C/llaahi Yuusuf, iyagoo soo bandhigay kana warbixiyey shakhsiyadda Marxuum Madaxweyne Yuusuf iyo taariikh nololeedkiisii dheeraa, waxayna masuuliyiinta hadashay iyo dadweynuhuba u tacsiyeeyeen Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan qoyskii Madaxweyne Marxuum C/llaahi Yuusuf uu ka tagay, waxayna alle uga baryeen inuu Marxuumka u naxariisto.
[youtube]http://www.youtube.com/watch?v=XStqpQULwu4[/youtube]
Horseed Media

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!