Dagaal xalay ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye

Dagaal xooggan ayaa xalay ku dhex maray inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye ciidamada DKG ah ee Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Dagaalka oo bilowday kadib markii ay xoogag Al-shabaab ka tirsani weerar soo qaadeen ayaa sababay dhimashada dhowr qof iyo dhaawaca in ka badan 5 kale.

Madaafiicdii ay labada dhinac is weydaarsanayeen ayaa qaarkood waxay waxyeelo kasoo gaartey dad rayid ah kadib markii ay 3-hoobiye ku dheceen agagaarka xerada Badbaado.

Lix qof ayaa dagaalkaas ku dhaawacantay waxaana ku geeriyoodey 3- ay labo kamid ahi ahaayeen dhinacyadii uu u dhexeeyey iyo qof rayid ah oo ahaa gabar yar.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalki xalay iyagoo xusay inay ku dileen askar badan oo ka tirsanaa ciidamada DKG ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale saraakiil ka u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaadeen ay iska caabiyeen khasaare xooggan ay gaarsiiyeen.

Madaafiicda ku dhacaya xaafadaha ay dadka rayidka ahi degen yihiin oo in mudo ah ay magaalada Muqdisho ka nasatay ayaa todobaadyadii u danbeeyey ahaa kuwo mar kale dib usoo laabtay.

Waana markii labaad ee ay madaafiic habow ahi ku dhacdo agagaarka xerada Badbaado islamarkaana ay dad rayid ahi wax ku noqdaan.

 

Horseed Media

Muqdisho

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.