Gaalkacayo: Wadayaasha Gaadiidka Xamuulka oo Shaqo Joojin Sameeyey [Sawiro]

Wadayaasha gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada ee u kala goosha gobolada dalka ayaa maanta shaqo joojin balaaran ka sameeyey magaalada Gaalkacayo.

Tobanaan gaadiidkaas ah oo u badan noocyada ay Soomaalidu u yaqaaniin (Waaraadka) iyo (Cagabadanta) ayaa maanta isugu soo ururay Kantaroolka waqooyi ee Gaalkacayo iyagoo ku jira safaf dhaadheer.

Shaqo joojinta gaadiidka xamuulka ayaa timid kadib markii ay soo food saartay dhibaato uga imaanaysa kooxo mileeshiyaad ah oo jidka u gala islamarkaana ka qaata lacag baad ah.

Wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in ay jiraan Isbaarooyin sharci darro ah oo ay ciidamo beeleedyo hubaysni ka samaysteen deegaanada Bacaadweyn, Daaru-salaam, Heemo iyo Cagaaran.

Isbaarooyinkaas oo horay si dhuumaalaysi ah mararka qaar loo dhigan jiray xiliga habeenka ah ayaa hadda noqday kuwa si cad loo arki karo xiliga maalinimada ah iyagoo dadka joogaana ay baabuurta ka dalbadaan lacago ay sheegaan inay cashuur yihiin.

Wadayaasha gaadiidka xamuulka oo intii ay maanta shaqo joojinta wadeen Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan sidan kusii shaqeyn doonin, iyagoo ugu baaqay waxgaradka kasoo jeeda deegaanadaas iyo maamulka gobolka inay arintaas si deg deg ah wax uga qabtaan.

Arintan ayaa horay u dhacday xiligii uu gudoomiyaha gobolka Mudug ahaa gudoomiyihii hore Axmed Cali Salaad, waxaase xiligaas lagu guuleystey in la joojiyo kadib markii ay si mideysan Isimada, waxgaradka iyo maamulka gobolku isaga kaashadeen.

Axmed Maxamed Cali [Caano-geel]

Horseed Media

Gaalkacayo

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.