Imtixaan Loogu Tartamayo Deeqo Waxbarasho oo Maanta Boosaaso Lagu Qaaday

Imtixaan loogu tartamayo deeqo waxbarasho oo ay dowladda Sudan u fidisay ardayda Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso lagu galay.

Imtixaankaas oo ay u fariisteen 22-arday oo ay labo kamid ahi gabdho yihiin ayaa waxaa ardaygii ku guuleystaa uu waxbarasho ka helayaa jaamacadda International University of Africa ee dalka Sudan.

Advertisements

Imtixaanka waxaa qaaday bareyaal Sudaniyiin ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarasahda ee dalkaas oo dhowaan Puntland soo gaarey iyadoo goobta Imtixaankaas lagu galayna ay ahayd dugsiga sare ee Sh.Xamdaan Bin-Raashid.

Ardayda saaka Imtixaankaas galay ayaa isugu jirey kuwo ka kala yimid dhamaan gobolada Puntland inkasta oo ay u badnayeen arday ka baxday dugsiyada sare ee gobolada Bari iyo Karkaar.

Cabdinaasir Axmed Cabdi (Xusaaye) oo kamid ahaa ardaydii Imtixaankaas u fariistay ayaa waxyar kadib markii uu kasoo baxay Horseed Media uga warbixiyey sida uu dareenkiisu yahay wuxuuna yiri:

” Aad baan ugu faraxsanahay runtii inaan nasiib u yeeshay sidii aan u geli lahaa Imtixaanka loogu tartamayo deeqaha waxbarasho ee ay ardayda Soomaaliyeed siisay dowladda aan walaalaha nahay ee Sudan, rajadaydu ma xuma laakiin runtii Imtixaanku wuxuu ahaa mid aad u adag”

Arday kale oo isna lagu magacaabo Khaliif Ibraahim Cali ayaa sheegay in uu ku hanweyn yahay sidii uu u heli lahaa waxbarasho dalka dibaddiisa ah gaar ahaan dalka Sudan islamarkaana uu saaka Imtixaanka u galay sidii uu fursaddan oo uu ku tilmaamay inay tahay mid qaali ah uga faa’iideysan lahaa.

Dhowaan ayey ahayd markii ay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Sudan oo magaalada Garoowe soo gaarey ay sheegeen inay wadaan deeqo waxbarasho, deeqahaas oo loo gelayo tartan adag ardaydii tartankaas ku guuleystana lasiin doono.

Imtixaan lamid ah midka maanta magaalada Boosaaso lagu qaaday waxaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu qaado magaalooyin ay kamid tahay caasimadda Garoowe.

 

Horseed Media