Qardho: Machadka Barashada Xirfadaha Ee New Generation Oo Qaatay Dufcaddii 2-aad Ee Arday Ah [Sawiro]

Machadka tababrka xirfadaha New generation ayaa maanta waxa uu xaflad u qabtay dufcad cusub oo ku soo biirtay machadka tababarka xirfadaha new generation xaruntiisa Qardho waxaana xafladaasi ka soo qeybgalay maamulka wax barashda gobolka,odayaal nabadoono,waalidiin iyo ardaydii maanta loo qabtay xafladaani.

Ugu horeyntii waxaa ka hadalay xafladaani Maamulaha Guud machadka xirfadaha New generation  Feysal Cabdi oo ka hadalay wax yaabaha ay baraan ardayda kala duwan ee xirfadaha ka barta machadkaasi, waxa uu sheegay in tan iyo markii magaalada Qardho laga furay machaadkaani ayaa waxaa ku soo biiray arday kor u dhaafeyso kun arday kuwaasi oo barta xirfadaha laga dhigo machadkaani.

“Ujeeda loo furay machadkaani ayaa waxa ay tahay in dhalinta ay helaan xirfad ay kushaqeystaan si ay u maareeyaan nolol maalmeedka,waxa ayna ka kaaftoomayaan in ay cidkale ku tiirsanaadaan hadii ay bartaan xirfadaha kala duwan ee ka baxa machadka New generation” ayuu yiri Maamulka guud ee machadaka xirfadaha New generation Qardho.

Sidoo kale waxaa ka hadalay xafladaani gudoomiyaha wax barashada Gobolka Karkaar Al-ustaad Bashiir Axmed oo ku dheeraatay faa’iidada ay leedahay in dhalinta wax labro xirfado ay ku shaqeystaan waxa uuna ku tilmaamay guul u timid dhalinta ku nool magalad Qardho.

“Qofka waxaa haboon in labro xirfad uu ku shaqeysto laakiin ma wanaagsana in labro wax uu cuno kaliye,hadii dhalinta ay helaan xirfad ay ku shaqeystaan waxaa yaraanaya dhibaatooyinka ay geestaan,waxa ayna horseedeysaa in dhalinta ay noqoto xirfadlayaal u taagan in ay dabaraan nolosha ay ku suganyihiin.” ayuu yiiri Al-ustaad Bashiir Axmed Gudoomiyaha Gudoonka waxbarashda Gobolka Karkaar.

Ugu Danbeytii Xafladaani ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan waxaana ardaydii maanta ku soo biirtay machadkaani loo rajeeyey in ay ku guuleystaan xirfadaha ay ka baranayaan machadkaani dhawaan laga furay magalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali [Black]

Horseed Media

Qardho

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.