Dhismaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Xarigga Laga Jaray

Waxaa maanta xarigga laga jaray dhisme cusub oo loo sameeyey golaha Baarlamaanka ee Puntland.

Xaruntan oo dhismeheedu uu mudo dhowr bilood ah socdey ayaa ah mid casri ah islamarkaana ka kooban qaybo badan.

Hoolka shirarka ee xarunta cusub ee Baarlamaanka oo ah mid ku fadhiya dhul baaxidisu weyn tahay ayaa ah goobta u maanta shirweynaha ansixinta Dastuurku ka furmay.

Inkasta oo weli si dhamays tiran aan loo soo gaba gabayn dhismaha xaruntan ayaa hadana waxay u muuqataa mid 95% dhismaheeda lasoo gabagabeeyey.

Dhismaha cusub ee Baarlamaanka Puntland wuxuu ka kooban yahay qaybahan soo socda:

  1. Xafiisyada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.
  2. Hoolka guud ee shirarka Baarlamaanka.
  3. Xafiiska Golaha Wasiirada.
  4. Qaybta Isimada.
  5. Qaybta Saxaafadda.
  6. Qaybta Martida.
  7. Qaybta shaqaalaha.
  8. Qaybta baaritaanada.
  9. Iyo qayb ay hadii barlaamnku u bahdaan ay ku kala shiraan.

Baarlamaanka Puntland ayaa horay ugu shiri jirey hool aan sidaa u weyneyn islamarkaana ah kii ugu horeysey ee ay Baarlamaanku yeeshaan kaasoo dayac badani uu ka muuqdey.

Gudoonka Baarlamaanka Puntland iyo dhamaan xildhibaanada kale ayaa si weyn usoo dhoweeyey dhismaha xaruntan cusub ee uu Baarlamaanku yeelanayo.

 

Horseed Media

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.