Jaaliyada Puntland ee dalka Norway oo magalada Oslo ku soo dhoweesay duqa degmeda Gaalkacyo( Sawiro)

Waxaa Caasimada dalka Norway ee Oslo soo gaaray duqa degmada Gaalkacyo Col. Saciid Cabdi Faarax oo baryahan safaro shaqo ku marayay wadama ka mid ah dalal yurub.

Intaas kadibna ayaa waxaa jaaliyada Puntland Diaspora Forum ee dalka Norway ay u samaysay xaflad kala warqaadasho ah oo ay ku kulmeen dhaman qaybaha bulshada ee jaaliyada Puntland ee dagan Caasumada Oslo.

Advertisements

Shirkaan oo uu xiriiriye guud ka ahaa afhayeenka jaaliyada Puntland Diaspora Forum ee dalka Norway Ciiro Axmed Xassan (dr ligle) ayaa waxaa ugu horayntiiba lagusoo dhaweeyay Daahir Tooxyare oo ku furay aayadaha Quraanka Kariimka intaas kadibna waxaa hadalkii qaatay gudoomiyaha jaaliyada Puntland Diaspora Forum ee dalka Norway C/qaadir Maxamed Jaamac waxuuna gudoomiyahu warbixin guud kasiiyay xaalada guud ee dalka Norway iyo tirada daka Soomaliyeed ee dagan dalka Norway sidoo kale ayuu waxuu gudoomiyahu u sheegay inaay jaaliyada sharaf iyo hididiila utahay inaay dadka reer Puntland ee dagan Norway gaar ahan Caasimada Oslo la kulmaan duqa degmada Gaalkacyo  Saciid Cabdi Faarax waxuuna gudoomiyuhu kusoo dhaweeyay qalbi furan iyo niyad wanaagsan.

Intaas kadib aya waxaa hadalkii lagusoo dhaweyay gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Col. Saciid Cabdi Faarax isagoo uu ka hadlay baahida looqabo in daska diasporaha ah ay gacan ka gaystaan taageerida dalkii hooyo gaar ahan magalada Gaalkacyo.

Mar uu gudoomiyahu ka hadlayay arimaha amaanka ee magaalada Gaalkacyoo ayuu waxuu sheegay inuu amaanka gobolka mudug gaar ahaan magalada Gaalkacyo uu marayo meeshii ugu fiicnayad taasna waxuu ugu sabab ah ilahay kasakoow jabkii iyo burburkii ku yimid Alqaacida Soomaliya ee Allshabab.


Sidoo kale ayuu waxuu gudoomiyahu carabka ku dhuftay ansaxintii Dastuurka Puntland oo dhawaan lagu ansaxiyay magaalada Garoowe inaay tahay horumar iyo wanaag waana tan ugu dhoow ee cadaalad lagu gaari karo in wadanku yeeshu xisbiyo tartama oo ay shacabku soo doortaan waxuuna yiri waay dhamanaysa reer hebel baa kursiga haysta waxana dhici doonta in reera badan ay wayaan xukunka oo mid reera yar ka dhashay ladoorto inuu umada hogaamiyo war dadka lacagi madeeqdo ee cadalad baa deeqda ayuu yiri gudoomiyuhu.

Sidoo kale mar uu jaaliyada reer Puntland ee dagan dalka Norway la dardarmay gudoomiyahu ayuu waxuu ka codsaday inaay hiil iyo hooba lagarab istaagan oo aay horumarka kala shaqeeyan waxuuna yiri reer Norweeyoow waxaad magalada Galkacyo ka dhistan jid ama wado laydinku magac daro barina taariikh idiin noqota.

Intaas kadib ayaa dadka meesha fadhiyay waxaay su,aalo kusaabsan gobolka Mudug gaar ahan Magalada Gaalkacyo  waydiiyeen gudoomiyahuna waxuuna uga jawaabay si dagan oo taxadar leh dhamaan waxii la su,aalay oo dhan kagadal markasna waxaa si hufan shirkii usoo afmeeray gudoomiyaha jaaliyada Puntland Diaspora Forum ee dalka Norway C/qaadir Maxamed Jaamac .

Guud ahan shirkaas dhexmaray Jaaliyada reer Puntland ee dagan dalka Norway caasimadiisa Oslo iyo Duqa degmada Gaalkacyo Kornayal Saciid Cabdi Faarax ayaa waxuu aha mid kusoo dhamaaday is afgarad iyo guul.

Afhayeenka jaaliayada Puntland Diaspora Forum ee dalka Norway
Ciiro Axmed Xassan (dr ligle)