Shirkii odayaasha dhaqanka Soomaalida oo furmay

Dugsigii hore ee tababarka Booliska ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweynaha odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.

Shirka oo dib uga dhacay wakhtigii horay loogu qorsheeyey inuu furmo ayaa waxaa ka soo qabay galay dhamaan Isimadii lagu marti qaaday.

Advertisements

Sidoo kale waxaa shirka joogo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah oo uu kamid yahay Ra’iisul wasaare gaas, xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo xildhibaano.

Marti sharaf caalami ah oo isugu jira kuwo ka socda xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya iyo safiirada xarumaha ku leh magaalada Muqdisho ayaa iyagana kamid ah dadka furitaaka shirkaas kasoo qayb galay.

Mas’uuliyiin badan ayaa furitaanka shirka khudbado ka jeediyey waxaana kamid ah Prof. Cabweli Gaas iyo wasiiradiisa Dastuurka iyo warfaafinta.

Faah faahin ku saabsan shirka, sawirada iyo khudbadaha kala duwan ee laga jeediyaba Horseed Media dib bey idiinka soo gudbin doontaa.

 

Horseed Media