Jaah Wareerkaan Iyo Is Qabqabsigaan Yaa ka Kamasuula?

Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad
Email:guurey@hotmail.com

Waligaa Ma is waydiisay… bulsho leh Isismo, Nabadoono, Cuqaal, wax Garad, Siyaasiyiin iyo Indheergarad  oo lahaan jirtay soo jireen maamul ku salaysnaa isgarabsi iyo nabad  ilaa iyo qarniyo yatiiha (Jaah Wareer…IWM) haysta …?

Advertisements

Ma is waydiisay… Waayadaan danbe Maamulada soo maray bulshadaas Sababta ay isku waddo u qaadaan, oo maamulada danbe isaga moose waayeen caqabadihii ka hor imanayey maamulkii ka horeeyey una keeni waayeen aragtiyo ka bedelan kuwii hore sidii ay caqabadahaas hor taagnaa horumarinta uga samata bixin laahaayeen bulshadaas ay madaxda u noqdeen markii maamulkii hore ay bedeleen…?

Ma is waydiisay… Dadka bulshadaas ka dhashay oo jagooyinka loo dhiibaa sida Wasiirada, Wasiiro ku xigeenada, Xoghayaasha, Xoghayaal ku xigeenada IWM miyaanay ku jirin Rag han leh oo ku fakara wax fiican qabo si beri ka maalin haddii Doorasho lagalo Jagadiisii ama mid ka wanaagsan uu u helo…?

Ma is waydiisay… Dadka qora maqaalada ama idaacadaha ka hadla ha noqoto radio ama tv waxa looga waayey inay wanaaga ka taliyeen oo eed maahee aan wax kale laga hayn, loogana la’yahay inay tusaale wanaagsan iyo talo dhaxal gal noqota baahiyaan… Talada ama hay ama walaalkaa hakuu hayo….?

Ma is waydiisay… Masiibada haysata Isamadii, nabadoonadii iyo Cuqaashii Bulshadaasi lahayd oo Badbaadada bulshadaas loogu caana shubay…kalmadda Nabadoon soo tii ahayd maaha Nabadayn Maxay ahaayeen Nabadoonadaan Colaada Hurinaya…kuwa ay dagaalka gelinayaan iyo kuwa dagaalka lagu qaadayo soo maaha duulkii awgood loogu caana shubay inay nabadooda ka shaqeeyaan….?

Maxay yihiin dadkaan aqoonta bartay oo qof Alla qofkaad waydiiso bulshadaani maxay ubaahantahay ku jawaabayaa wax qabad sida in ceelal loo qodo cusbitaalo, loo dhiso, wax barashada la kor dhiyo IWM…markaad tiraahdo sifiican bal uga fiirso isagoo xanaaq iyo islawayni ka muuqato ayuu kuugu jawaabaya jaahil aan waxba aqoon baad tahay…?

Walise mala yaabtay… Sababta kalliftay in nin kasta oo siyaasi sheegta bulshadaasna u dhashay waxa uu u daba taagan yahay siyaasiga kale ee isna bulshadaas u dhashay….. Muxuu ugu fekeraa sidii uu u dhaliili lahaa, eedayn lahaa, hanka iyo damiir kana uga dili lahaa iyo inuu bulshadaas utuso ruuxaasi inuu yahay ruux aan u qalmin jagadaas…?

Akhristaha qiimaha iyo qaayaha badanoow dadkii waayadaan danbe waxay u qayb sameen saddex nooc oo kala ah Danayste, Damdamle iyo Daacad. Saddexdaan nooc oo isku qawl iyo isku hu(dhar) ah sidaad ku kala saartaana adag tahay runtiina waa meesha salka uu ku hayo yatiiha haysta bulshadii isku asalka ahayd. Waxaanse isku dayayaa inaan toosh ku ifiyo ama ha if waynaado ama mid daciif ah ha ahaado togba taagtiis buu rogmadaa qofna garashadiisuu rog rogaa…

Damdamle… waa ruux malaasan oo aan codkar ahayn garasho iyo han fiican lahayn, haddana jecel inuu magac iyo karaamo helo, damiirse leh oo xumaato in reerkiisa ku timaado aan jeclayn ruux danayste oo hunguri badan aan ahayn…

Astaamaha lagu garan karo waxaa ka mida reer ama qabiil ama bulsho ama ururba markii ay arin isu taagaan oo damcaan inay sameeyaan wacyi ama fal is bedel ah oo ku saabsan arimaha bulshada, arimaha qabiilka arimaha waddanka nooc kastaba ha noqotee waxuu kaga jiraa safka hore isagoo kullifaaqan dadka wax qabanaya, ogoowna sida wax loo qabto iyo meel laga maro toona ma yaqaan. Wax kasta oo la qabto wuxuu jecel yahay in la yiraahdo isagaa ka danbeeyey ama qabtay, hadday suurta gal noqon waydo inuu amaantaas iyo libtaas helo ama dadku arkaan inuu wax ma tare yahay. Waxuu bilaabaa inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu diri diri lahaa oo iskaga hor keeni lahaa dadkii wax qabanayey, oo hadba qofka la jooga amaano oo ku bogaadiyo hawsha uu qabtay kan markaas aan la joogina ku eedeeyo inuu yahay qof aan waxba qaban Karin oo lugooya ah. Danta uu ka leeyahayna tahay si aan loo garan amase loo arag inuu yahay weel maran oo aan garasho iyo codkarnimo midna lahayn, inta bandanna waxuu lugooyo iyo majo xaabis ku yahay dadka daacadda ah oo u heelan isbedelkaas, waxuuna afka uga gala danayste aan kala jeclayn dhibta isaga iyo ehelkiisa ku iman karta waxayna ehel wadaag ku yihiin danayste magac samaysiga iyo faanka…

Danayste… Sida kalmadda laga dhandhan sanayo ama macnaheedu qeexayo waa ruux aan xeerinayn wanaag iyo sharaf wax kastana ka hormarinaya dantiisa u gaarka ah aan kala jeclayn dhibaata kasta oo bulshadaas soo wajahaysa…

dhaqamada uu leeyahay waxaa ka mid ah xishood la’aan iyo diin la’aan, markuu doonayo inuu gaaro dantiisa waxaa ka suurtowda inuu gato sharaftiisa oo gabadhii uu qabay uu u loogo rag kale inay la cawayso oo ka soo dhamayso danta ka gashay raggaas kale. Naxariis maleh haddii ay dantiisu gasho in la gumaado qoyska uu ka soo jeedo, isagaa uga hor maraya dadka gumaadka doonaya inay ku sameeyaan qoyskiisa ama qabiilka uu ka soo jeedo isagoo horboodaya qoyskiisaas oo aan laga garan Karin inuu yahay ruuxa u heellan dhibtaas reerka soo food saartay. Ma naxo oo haddii kuwa isagu dhalay ama ruux magac wayn lahaa oo reerkiisu aad u jeclaa ay aakhiro u jihaystaan, waxaa dhacda inuu isku dayo dhacdadaas naxdinta leh markay timaado isagoo tiiraanyo iyo murugo wajigiisa ka muujinaya inuu ololeeyo baroor diiq aan run ahayn isagoo dantiisu tahay in uu magac ka samaysto iyo kalsooni lagu amaano maalintaasina tahay maalin isaga farxad iyo damaashaad u ah markuu hadlayana waxaa afkiisa ka soo baxda inuu isu imaanshahaas murugada ah ku tilmaamo xaflad isagoo aan is ogayn… afkaa xada waxa uurka ku jira…

Wuxuu cadaawadaystaa ruux kasta oo u taagan danaha guud ee reerka, qabiilka iyo bulshadaba, waxuu afkiisa ka dhowraa inuu tilmaamo oo magaciisa soo qaado qofkii uu daacadnimo ku ogyahay. Waxuu soo dhowaystaa ruux kasta oo uu ku fushan karo mabaadiidiisa, waxuu samaystaa koox danaystayaal  ah oo ay isku aragti danaysinimo ah wadaagaan oo ay isla jaan qaadi karaan iyo damdamle yaasha garashada ka malaasan oo aan garan karin dalluuntaas dheer ee danaystuhu u qodayo. Markuu isla helo koox ay isku mooqif yihiin ayeey bilaabaan sidii ay bulshada noocyadeeda kala duwan sida Isimada, nabadoonada, siyaasiyiinta, aqoonyahanada… ugu yeelan lahaayeen ashkhaas u heelan sidii ay u fulin lahaayeen damacoodaas danaysinimada ah.

Waxay bilaabaan olole aad u baaxad wayn oo ay ku qaadaan Isimada iyo Nabadoonada iyagoo adeeg sanaya danaysta yaasha aan hanka wayn lahayn iyo damdamlaha malaasan ee magac raadintu bohosha ka radiyaso. Duulkaas hunguri iyo magac raadisku u bahaloobay waxay bilaabaan eedo ay usoo jeedinayaan Isimada iyo Nabadoonada iyagoo ku eedaynaya in aysan cadaalad uga soo bixin arintii loo idmaday, eedaymo aan xad lahayn oo aan laga nasan aflagaado aan loo aaba yeelayn sumcad xumadeeda. Markii arimahaas foosha xun oo ay kula kaceen Isimadii iyo nabadoonadii sharafta mudnaa faafto oo ixtiraamkii loo hayey bulshadii badankeeda laga dhex waayo ayeey waxay gashadaan shaar ehelnimo oo soo bandhigaan afkaar Indho sarcaad ah oo ay bulshada ku sixraan iyagoo doonaya inay helaan Isimo iyo Nabadoono la fikir ah inay ka saxiixdaan bulshadaas ay jaah wareerka ku rideen…

  • In Qabiilkii battay oo ay ku faafeen degaano aad u kala fog  lagama maarmaan tahay in la helo Isim kale oo caawiya lana shaqeeya Isimka guud ee qabiilkaas.
  • In Adduunkii is bedel baaxad wayni ku yimi oo Isimadii dhaqanku aanay la jaan qaadi karin loona baahan yahay Isimo aqoon wax barasho maadi iyo diinba leh.
  • In nabadoonadii hore wax qabadkoodii yaraaday iyadoo ay jilibyadii bateen oo gaareen qabiil kuna baaheen dhul baaxad wayn iyo isbedelada ay sababeen siyaasadahaan cusub oo aanay aqoon dheeraad ah u lahayn loona baahan yahay dhallinyaro fir fircoon oo xirfad u leh isbedelada siyaasada ku salaysan.

Waxaa dhacda in bulshadii jaah wareerka lagu soo riday ay arimahaas kor ku xusan ula muuqato inay tahay afkaar biyo kama dhibcaan ah oo loo baahan yahay. Taasina waxay keentay in beelo badani yeesheen Isimo iyo Nabadoono aan ahayn kuwii  soo jireenka ahaa oo ilaa awoowe ka awoowe soo dhaxlay laguna qadarin jiray.

Markii ay koooxdii is biirsatay ee Danaystayaal iyo Damdamlayaal ku guulaystaan inay helaan Isimo iyo Nabadoono ay ka dhex sameeyeen bulshadii ayeey waxay bilaabaan inay ku khasbaan inay talada la garab maraan Isimadii hore iyo Nabadoonadii hore haddii ay aqbali waayaana ugu caga jugleeyaan in sidii ay u asaaseen ugala noqon doonaan oo rag kale ku bedeli doonaan. Meeshii bulshadii ka filaysay in xaajooyinkii guracnaa is bedelaan ayaa waxaa sii kororta in isku duubnidii iyo is ehelaysigii galo ciriiri ama la waayo oo kooxaysi cusub oo ka daran kii hore biloowdo isqabqab sigii iyo is eedayntii cirka isku shareerto.

Markii jaah wareerkaasi aad u xoogaysto ayaa danaytayaashii bilaabaan sidii ay u guran lahaayeen dheeftii ka dhaxaysay bulshadaas oo dhan iyadoon cidina farta ku fiiqi karin oo dadkii eegi lahaa ku mashquuleen xal u helidda is qabqabsi ka abuurmay Isamadii iyo Nabadoonadii kusoo kordhay bulshadaas.

Ku jeedinta iyo jaahwareer ka dhex abuuridda bulshada iyo Isimadu waa afkaar asalkeeda ka timi nidaamka hanti wadaagga iyo nidaamkaan dimiqoraadiga oo labaduba tiir dhexaadkoodu yahay qaybi oo iska horkeen iskuna jebi ka bacdina xukun.

Daacad… waa ruux Allah ka baqa oo iska ilaaliya waxii sharaftiisa wax u dhimaya iskana ilaasha xaqdarro inuu ku sameeyo ruux kale jecelna in bulshadaasi nabad, wax wada qabsi, sharaf iyo isu damqasho ehelnimo ay wadaagaan.

Waxaa lagu gartaa waxuu had iyo jeer ka gilgishaa xumaatada soo wajahda qoyska, reerka, qabiilka iyo bulshada uu ka dhashay ama la nool yahay markaas. Waagii hore qofka daacadda ahi wuxuu ahaa qofka loogu jecel yahay haddase wuxuu noqday qofka loogu neceb yahay sababtoo ah kooxaysi ma ogola, wada qaraabasho ma ogola, khayaamo ma ogola, kali cun ma ogola, ma aha Damdamle ma aha Danayste labadaas ayaana ugu neceb ruuxa daacadda ah waxayna ka dheereeyeen meel kasta oo bulsho isugu timaado iyagoo cay iyo been abuur ku fura. Waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuulaan sidii ay ku aasi lahaayeen ugana dheerayn lahaayeen bulshada.

Radiyoow  yada tv yada adduunka waa ka mabnuuc maqaalada maqaalkiisa lama soo geliyo sababtoo ah runtuu taabanayaa radio webeb tv waaxaa iska leh duul kooxaysi salka ku haya ruuxa daacadda ahina u aaba yeeli maayo kooxdaad wadato iyo kooxaha kale labadaba qaladkooda iyo khayaamadooda banaankuu soo dhigayaa…

Markii meel kasta laga horeeyey oo layska ilaaliyey sidii ruux xanuunada faafa qaba ayaa dantu waxay gayeeysiisay inuu dalugle noqdo… (dalugle… waa qofka ciilka iyo caradu iyo qaracan la ildaran oo cidla joogga noqda… dulugle…waa kalmad loo  isticmaalo neefka xanuunka la ildaran oo madluunka ah)

Alhristoow dhuux weerahaan hoose…

  • In Isimada iyo Nabadoonadu ay faraha kala baxaan arimaha ku lug leh Siyaasadda oo ku ekaadaan arimihii loo idmaday ee dhaqanka…
  • Dadka wax soo bartay waa in loo daayaa maamulka iyo kala hagidda

Imisa jeer ayaad maqashay….

Isimada iyo Nabadoonadu iyagaa ah Caymiskii shil baabuur ha noqoto naf xaqdaro lagu dilo ha noqoto dhib laysu haysto xallinteed ha noqoto beelo dagaal dhex maray dhex dheaxaadinteed ha noqoto…

Bal is waydiiyoo maxay faraha kala baxaan haddii dhibtii bulshada oo dhan iyagu xallinteeda sameeyaan….

Jawaabtu waa dheefta aan qabysanee hanagu soo faragshanina…

Garashadu soo tii Allah swtc bixin jiray maaha goormaa qof wax bartay bal dhuux bartay yacnii la baray noqday kala hage, dhex dhexaadiye, xal u raadiye IWM

Soot ii wax barashada la gayn jiray maaha yacnii iskuulada  Doqonka, Macangaga, Afgarooca iyo waxii la midka ah ma warqad loogu magac daray shahaado ayaa doqonkii diric ka dhigaysa oo macangagii qof garqaata ka dhagaysa oo afgaroocii aftahan ka dhigaysa

Ogoow wax garad iyo aqoon yahan waa isku mid waana qofkii Allah swtc hibo usiiyo ee qallin bug laguugu xariiqay ama sabuurad maaha

Akhristaha qaayaha iyo qiimaha badanoow jawaabta suaalihii hore waxaan ku soo koobayaa

  • Haddii Isimadii iyo Nabadoonadii soo jireenka ahaa laga dhinac sameeyey Nabadoono iyo Isimo loogu talagalay in dano lagu fushado
  • Haddii wax garadkii layiri waa dadka wax soo bartay (aqoon yahano)
  • Haddii ruuxii Daacad ah uldheer laysaga fogeeyo
  • Haddii Danayste iyo Damdamle bulshadii garwadeen u yihiin

 

  • In Isimadii iyo Nabadoonadii cusbaa colaad iyo muran dhex gashaan bulshadii wanaaga lahaan jirtay ilaa qarniyo yatiih inuu ku dhaco Soo iman mayso
  • In Maamulkii yimaadaa kii hore wadadiisii qaado oo maamulkii gacanta u galo duul aan waxba gooyn karin xalna keeni karin Soo iman mayso
  • In webebka, tv yada, raadiyada laga horeeye ruuxii daacad ah talo iyo wax isu sheegid la’aan Soo iman mayso
  • In Danayste iyo Damdamle muran iyo isqabqabsi hirgeliyaan Soo iman mayso

 

Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad
Email:guurey@hotmail.com