Gadiid ay leedahay hay’adda Save The Children oo lagu dhacay duleedka degmada Isku-shuban

Gaadiid ay leedahay hay’adda Save the Children ayaa lagu dhacay meel u dhow degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Gaadiidkan oo ay tiradoodu 2-tahay ayaa koox Burcad ahi waxay ka qabsadeen tuulada Biikey oo Isku-shuban 30km u jirta.

Dableyda gaadiidkan qabsaday ayaa rasaas oodda kaga qaaday shaqaalihii labdaas gaari la socdey oo ay tiradoodu 10 qof tahay.

Waxayna intaas kadib gaadiidkan oo ah nooca Landcrusier gaar ahaan kuwa ay soomaalidu Laylo-calaawida u taqaan la aadeen dhinaca xeebta.

Duqa degmada Isku-shuban oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxda dhacda kaysatey ay yihiin Burcad-badeed.

Wuxuuna intaas ku daray inuu socdo dadaal ku aadan sidii gawaaridaas loo soo celin lahaa kaasoo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka.

Ma ahan markii ugu horeyey ee qaar kamid ah gaadiidka hay’adaha samafalka lagu dhaco deegaano hoos taga degmada Isku-shuban.

 

Horseed Media

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!