Wefdi uu gudoomiyaha Baarlamaanka DKG horkacayo oo Baydhabo gaarey

Wefdi heer sare ah oo ka socda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wefdigan oo uu horkacayo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa sidoo kale ku jira taliyaha guud ee ciidamada Booliska iyo gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ujeeda socdaalka wefdigaasi ay maanta Baydhabo ku tageen oo aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo ogeyn ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid salka ku haysa arimo la xiriira dhinaca ammaanka.

Shiriif Xasan Sheekh Aadan iyo wefdigiisa oo si diiran Baydhabo loogu soo dhoweyeeyey waxay kulamo la qaadan doonaan maamulka gobolka Baay, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kale ee bulshada.

Waa markii 3-aad ee uu afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya booqasho ku tago magaalada Baydhabo tan iyo intii ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanayaa kala wareegeen gacan ku haynteeda Al-shabaab.

 

Horseed Media

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!