Gen. Dhegabadan: “Askarigii shacabka dhib u geysta uma dulqaadan doonno”

Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku amray askarta dowladda ee gaaray degmada Afgooye iyo deegaanada kale ee loo barakacay inaysan  xadgudub u geysan dadka rayidka ah.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen. Cabdikariim (Dhega-badan) ayaa kula dardaarmay ciidamada inay kasoo baxaan mas’uuliyaddooda oo ah dhowrista shacabka wax dhibaato ahna aysan u geysan.

Advertisements

Gen. Dhega-badan ayaa sidoo kale sheegay in askarigii dhac ama dhibaato kale shacabka u geystaa uu la mid yahay kooxaha dowladda kasoo horjeeda sidaas darteedna ciqaab adag la marsiin doono.

“Ninkii dadka shacabka ah dhib u geysta kooxaha nabad diidka ah waa nooga daran yahay umana dulqaadan doonno” abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa yiri.

Taliska ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale ugu baaqay dadka rayidka ah inay is dejiyaan maadaama aan wax dhibaato ah loo geysan doonin.

Marar badan ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay falal isugu jira boob iyo dhac ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladdu u geysteen dad shacab ah.

 

Horseed Media