Muqdisho: Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo gaarey deegaanada loo barakacay

Ciidamada DKG ee Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deegaanada loo barakacay ee ku yaal duleedka magaalada Muqdisho.

Saraakiil u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay inay gaareen deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi islamarkaana ay ku guuleysteen inay isku xiraan Muqdisho iyo Afgooye.

Deegaanadan oo ay horay ugu sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa gacanta ciidamada huwanta ah galay ka gadaal markii ay gelinkii danbe ee shalay dagaalo xoogani ka dhaceen.

Waxayna wararku intaas ku darayaan in ciidamada xarakada Al-shabaab ay goobahaas isaga baxeen inkasta oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn dhinaca ay aadeen.

Duleedka magaalada oo ay ku nool yihiin kumanaan qoys oo horay magaalada  uga soo barakacay waxaa dhowrkii beri ee ugu danbeeyey ka dhacayey dagaalo aad u xoogan.

Dagaaladaas ayaa ugu danbeyntii sababay in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay markii ugu horeysey gaaraan degmada Afgooye oo ay muddo sanado ah Shabaabku ka ariminayeen.

 

Horseed Media

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!