Booliska Denmark oo xiray Soomaali argagixisanimo looga shekiyey

Laamaha ammaanka ee dalka Denmark ayaa maanta oo Talaada ah sheegay inay xireen labo nin oo walaalo ah oo haysta dhalashada dalkaas haseyeeshee asalkoodu uu Soomaali yahay, kadib markii looga shekiyey inay qorsheynayeen weerar argagixiso.

Labadan nin oo ay da’doodu tahay 18 iyo 23jir waxaa sida ay ciidaamda sirdoonka iyo kuwa nabad sugidda ee Denmark sheegeen mid kamid ah laga soo qabtay magaalada ku taal dhanka waqooyiga ee Aarhus halka midka kalena la qabtay xilli uu kasoo degayey garoonka diyaaradaha ee Copenhagen.

Booliska ayaa sheegay in raggan looga shekisan yahay argagixisanimada uu asalkoodu Soomaali yahay islamarkaana ay dalka Denmark ku noolaayeen muddo 16-sano ah.
Dalka Denmarka ayaa kor loo qaaday heerka feejignaanta laga qabo weeraro argagixiso oo ay suurtagal tahay inay ka dhacaan kadib markii sanadkii 2005 dalkaas lagu sameeyey sawir gacmeedyo lagu aflagaadeeyey suubanaha Muxamad (NNKH).

Sanadkii 2010 waxay maxkamad dalkaas ku taal xukun 10-sano ah ku ridey wiil asalkiisi hore Soomaali ahaa oo isku dayey inuu dilo nin kuwa sawir gacmeedyada sameeya ah oo sawiradii nebiga lagu aflagaadeeyey wax ka sameeyey kadib markii uu gurigiisa faas kusoo weeraray.

 

Horseed Media

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!