Al-shabaab oo jidka u galay wefdigii madaxweyne Shiriif

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa jidka u galay wefdi uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya oo maanta booqasho ku tegey degmada Afgooye xilli ay kusoo jeedeen magaalada Muqdisho.

Dagaal muddo kooban socdey ayaa goobtaas oo ah inta u dhexeysa deeganka Ceelasha biyaha iyo Calamada ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya iyo kooxdii weerarka soo qaaday ee  Al-shabaab, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay 7-qof oo u badan askarta dowladda islamarkaana uu ku jiro afhayeenka Ahlusunna Maxamed Xuseen Awliyo iyadoo hal askarina uu ku dhintey.

Dhinaca kooxdii weerarka soo qaaday lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha soo gaaray haseyeeshee waxaa sida ay saraakiisha ciidamada dowladu sheegeen gacanta lagu soo dhigay 4-qof oo ka tirsanaa ciidamada Al-shabaab.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo AMISOM oo wefdigaas qayb ka ahaa ayaa lagu soo waramayaa inay gudbeen iyagoo aysan wax dhibaato ahi soo gaarin, maadaama ay saarnaayeen gaadiidka qafilan ee ciidamada AMISOM.

 

Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.