Qarax khasaare dhaliyey oo saaka Gaalkacayo ka dhacay

Qarax khasaare xoogan geystey ayaa saaka ka dhacay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Miinada qaraxday ayaa ahayd mid uu sitey nin ay xalay ciidamada madaniga ah ee xaafadda Garsoor ilaaliyaa dileen kadib markii ay ka shekiyeen.

Ninkan oo la toogtey xalay saqdii dhexe wuxuu ka madax adaygay qaadashada amar ay ciidamadu ku siiyeen inuu istaago si ay u baaraan.

Goobta uu dilku ka dhacay islamarkaana meydka qofkii ay ilaalada xaafaddu dileen aan weli laga qaadin ayaa waxaa saaka soo gaarey ciidamo badan oo Boolis ah kuwaasoo baarayey qaabka uu dilku u dhacay.

Xilli qaar kamid ah ciidamadu ay ku howlan yihiin baaritaanka ayaa waxaa qarxay Miino loo badinayo inay ku jirtey bac meydka agtiisa ooleyd.

Waxaana ku geeriyoodey 3-qof oo 2 kamid ahi ay askar yihiin iyadoo in ka badan 15- qof oo rayid iyo askar isugu jiraana ay ku dhaawacmeen.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ay xiligaas dad badani kusoo urureen waa xero qaxooti, waxaana saaka qorshuhu ahaa inay yimaadaan dad ajnebi ah oo ka tirsan shaqaalaha hay’adaha gargaarka.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee in muddo ah magaalada Gaalkacayo ka dhaca, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli todobaadyadii u danbeeyey ammaanka magaalada Gaalkacayo uu ahaa mid aad u wanaagsan.

Wixii warar ah oo qaraxaas iyo khasaaraha uu geystey kasoo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

 

Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.