Facebook oo khasaare dhaqaale la kulmey

Shabakada u weyn ee isku xirta bulshada Caalamka ee Facebook ayaa xisaab xirkii kuwaad ee kala barka sanadkan la kulantey khasaare dhaqaale, waxaana shirkaddu khasaartey 160Milyan oo dollarka Maraykanka ah tan iyo markii ay gashey suuqayada caamka ah ee loo yaqaan “initial public offering” IPO, taas oo ah in dadweynuhu saamiyo ka gadankaarn siina kala gadi karaan.

Shirkadda Facebook ayaa sheegtey in ay hadda leedahay wax ku dhaw hal bilyan pp isticmaale (995 Milyan), taas oo oo si weyn sanadkan kor ugu kacdey.

Dhanka kale waxaa sii badanaya dadka dhanka Telefonka ka isticmaala kuwaas oo hadda gaaraya in ka badan 440 Milyan oo qof.

Shirkadda Facebook oo markii hore ku koobneyd kuwii asaasey ayaa 18 May 2012 gashey suuqyada furan, waxaana ay noqotey mid saamiyadeeda lagu kala gato suuqyada sida NASDAQ oo kale, waxaana qiimaha saamiyadeedu ay ku bilowdeen $42.05 iyada oo marba marka ka danbeysa ay hoos u dhacayeen.

Horseed Media

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!