Shirkadda Samsung oo sanadkan heshey faa’iido ka weyn tii la filaayey

Shirkadda samaysa qalabka Elekroonikada ee Samsung ayaa heshey sanadkan faa’iidadii u weyneyd waxaana shirkadda u soo xeroodey 3.7 Bilyan oo Euro, kadib xisaabxirkii bartamaha sanadka.

Shirkadda Samsung ee caanka ku noqotey samaynta Telefonada xarfaanta ah ee Smart Phones, ayaa faa’iidada ay heshey kala barka sanadkan ay gaareysaa 50% marka loo barbar dhigo sanadkii hore.

Advertisements

Horey ayaa shirkaddan Samsung waxay habaaska ku soo duugtey oo dhaaftey shirkaddii horey u haysatey suuqa Telefoonada ee NOKIA taas oo ahayd shirkadda u weyn ee samaysa Telefoonada gacanta lagu qaato.

Shirkadda Apple ayaa ah shirkadda labaad ee suuqa ku haysata Samsung, waxaana si weyn loogu tartamaa Telefonada Caqliga badan ee Smart Phones. Laakiin shirkadda Samsung waxaa u dheer oo ay samaysaa Telefishanada waaweyn ee laga dabadhacay iyo weliba Xusuusta Kunbuyuutarada.

Horseed Media