Magaalada Qardho oo lagu qabtay kulan ku aadan Todobaadka wacyigalinta Naasnuujinta Caalamiga.

Waxaa magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar lagu qabtay kulan ku aadan Todobaadka wacyigalinta Naasnuujinta Caalamiga (World Breast feeding Week) oo ay ka soo qeybgaleen dad kor u dhaafaya boqolaal,Maamulka Gobolka,Maamulka Degmada,Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Karkaar,isuduwaha Wasaaradda haweenka iyo hormarinta Qoyska,Culuma’udiin,Saraakiil ka socotay xafiiska Hey’adda Save the Children ee Gobolka Karkaar,Madaxa MCHyada gobolka karkaar,Hooyooyin,Bahda Saxaafadda,Ardayda Barata Caafimaadka,iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Ugu Horeyntii waxaa wacdi dheer ka soo jeediyey Kulankaani Shiikh Yuusuf Maxamed Siciid oo ka hadalay mowduuc ku saabsan Islaamka iyo Naasnuujinta,waxa uu sheegay in 1434sano ka hor ay diinta islaamka sheegtay in Caruurta la nuujiyo marka ay dhashtaan labo sano oo kaamil ah,waxa uu dardaaran u jeediyey hooyooyinka in ay ku dadaalaan naas nuujinta caruurta ay dhalaan,hooyada iyo aabahana in ay mas’uuliyad iska saaraan sidii Ubadka ay dhamaastaan Nuujinta labada Sano.Shiikha ayaa waxa uu soo qaaday ayaado Qu’raan iyo axaadiis oo ku daliilsaday in ay waajib tahay in waalidka uu ku dadaalo sidii caruur ay dhalana u dhamyesanlahaayeen Naas nuujinta labada Sano ee ku cad Qu’raanka Kariimka.

Gudoomiyaha Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise oo furay kulankaani ayaa ka hadalay waxa uu sheegay in loobaahanyahay wacyigilinta ku aadan Todobaadka wacyigalinta Naasnuujinta Caalamiga,waxa uu ka hadlay in hooyada loga baahanyahay in ay ku dadaasho sidii ay xooga u saarilaheyd kudadaalista naasnuujinta caruurta,maadaama Dhaqaatiirta ay sheegeen in hadii hooyada ay ka gaabiso nuujinta caruurta uu ku dhaco cuduro kala duwan taas oo dhibaato u keeni karto xaaladaheeda caafimaad,inkastoo gudoomiyaha dardaaran u jeediyey waalidka in ay ku dadaalaan xoojinta naas nuujinta caruurta.

[nggallery id=2 template=dop-thumbnail-gallery]

Isuduwaha Wasaarada Caafimaakda Gobolka karkaar Dr.Yaasiin Cabdi Xaaji oo ka hadlay kulankaani ayaa waxa uu sheegay in farqi weyn u dhaxeeyo Caruurta sida wanaagsan loonuujiyo Naaska iyo Caruurta aan helin waqtigii loogu talagalay in lanuujiyo,waxa uu xusay in waalidka looga baahanyahay marka ay horey ka dhashtaan caruurta in la siiyo naaska islamarkaana 6bilood hore in caruurta la siiyo naaska oo kaliya,ilaa labo sano loowado nuujinta naaska.sidoo kale Dhaqtarka ayaa waxa uu xusay in caruurta iyo hooyada naas nuujinta ay waxtar u leedahay,Dr. Yaasiin ayaa sidoo kale la weydiiyey Su’aalo badan oo ku aadan muhiimadda ay leedahay Naasnuujint waxa uuna si weyn ugu jawaabay dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen dadkii ka soo qeygalay kulankaani.

Faadumo Nuur Shire oo ah madaxa MCHyada gobolka karkaar oo ka hadashay kulankaani ayaa ku dheeraatay in ay waajib tahay in hooyooyinka lagu wacyigaliyo naas nuujinta caruurta, waxa ay tilmaamtay in caruurta naas nuujinta ay ka helaan difaac,ilmaha aan naaska lasiinina waxa ay u nugulyihiin cudurofarabadan sida jadeecada,shubanka xiigdheerta, iyo burukiitada.

Gudoomiyaha Gobolka karkaar C/qur’aan Maxamed Aadan oo ka hadalay kulankanai ayaa sheegay in dadkii hore ay si wanaagsan u nuujinjireen caruurta ay na u dhameynjireen labada sano iyo kabadan lakiin gudoomiyaha ayaa xusay in todobaatameeyadii ay soo baxeen in dumarka soomaaliyeed ay yareeyeen naas nuujinta,taas oo keentay in caruurta ay dayacmeen waxaana dhashay caruur isku nuug,waxa ayna keentay in ay soo baxaan caruur ka muuqato ragaas.waxa uu kaloo ka hadlay in dagaalki labaad aduunka kadib ayaa warshadihii Yurub waxaa la waayey rag ka shaqeeya taas oo dhiiro galisya in dumarka shaqaalo looqoro sidaasina ay caruurta kudayacmeen, waxaana soo ifbaxay in masasado iyo caano booro caruurata lagu siiyo dhaqankaasina waa dhaqan ka yimid reer galbeedka.

Kulankaani intii oo socday ayaa waxaa laga soo jeediyey Gabay aad u qiimo badan oo ciwaan loogu dhigay (ku du naasku waa u dahab ilahaa lagu daryeelaa) waxaana halkaasi ka soo jeediyey Abwaanka dadayar ee muxaadaro,waxaana si weyn ula dhacay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay Kulankaani.

Barnaamijka Todobaadka wacyigalinta naasnuujinta (World Breast feeding Week) waxaa laga fulindoonaa shanta Degmo oo ka koobanyahay Gobolka karkaar,waxaana iska kaashanaya fulitaanka barnaamijkaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Hey’adda Save The Children,waxaana maalgaliyey (UKAID).

Wakiilka Horseed Media Qardho
C/raxman Max’ed Cali (Black)
Qardho-Karkaar-Puntland-Somalia.

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!