Xafladii Sanad Guurada 14aad ee Puntland oo laga xusay Malaysia [Sawiro]

Xafladii sanad guurada 14aad ee Puntland oo si habsami ah loo soo diyaariyay ayaa lagu qabtay hotel-ka wayn ee Kuala lumpur International Hotel oo ku yaal Magaalada Kuala Lumpur xarunta Dalka Malaysia, Waxaana kasoo qeyb galay qeybo kala duwan oo ka tirsan Jaaliyadda , Ardeyda, Masuuliyiin ka socotey Safarada Somalida Malaysia, Aqoonyahano Iyo Marti sharaf aad u tiro badan.

Xafladaan oo ahayd mid ka duwan xafladihii horay loo qaban jiray ayaa qaban qaabadeeda waxaa iska lahaa Ururka Ardeyda Puntland ee cariga Malaysia, Iyadoona dhamaan xafladda lagu sharxay halku dhigyo ay ka muuqanayeen calanka Puntland, Sawirada madaxdii xilalka kasoo qabtey Puntland , tan iyo markii la aas aasey Puntland sanadkii 1998-dii ilaa xilligan oo ay 14 sano jirsatey.

Advertisements

Masuuliyiin ay ka mid yihin safiir ku xigeenka safaarada somalida ee Malaysia Mudane C.raxman Maxamud Xaji Jama , Gudoomiyaha Ardeyda Somaliyeed Mowliid Axmed , Gudoomiyaha Ardeyda Puntland Malaysia Maxamed Aadan (Haamey), ayaa khudbado kasoo jeediyey xaflada intii ay socotey ,waxayna dhamaantood sheegeen in ay hambalyo ku aadan sanad guurada Puntland u dirayaan dhamaan Ummada reer Puntland guddo iyo dibbadba ku nool.

Xafladdan ayaa muddadii ay soconeysay lagu soo bandhigey qeybo madadaalo leh oo isugu jirra Heeso, Ciyaaro hiddaha iyo dhaqanka Somalida, Sidoo kale shahaado sharaf ayaa lagu gudoonsiiyey xubno ka mid ah Ururada Jamacaddaha Ardeyda iyo dhalinyaro loo qabtey koob ciyaareed loogu magac darey 14 Anniversary Puntland, ayna kasoo qeyb galey dhalinyaro mataleysay goboladda Puntland,

Al fanaanu Axmed Biif oo isna ka mid ah xubnihii kasoo qeyb galey xafllada ayaa ka tumey heeso madadaalo leh oo xaflladan qeyb weyn ka noqdey , kuwaas oo ay aad ugu riyaaqeen dhamaan dadkii xafllada goob-jooga u ahaa , waxaana ka mid ahaa heesahaasi heesta ku dayo Puntland ku dayo,

Dr Sayid Maxamed Abdulle hassan oo ka mid ahaa isna xubnaha khudbadaha ku lahaa xaflada ayaa waxa uu fariin u direy dhamaan bahda waxbarashada soomaaliyeed , isagoona ka codsadey in looga baahan yahay xilligan isbedel dhab ah oo ay ku sameeyaan wadankoodii hooyo, madaama xilliyo badan oo wadanku burbur kusoo jirey uusan shaqeyn jirin doorkii cilmigu ku lahaa.

Isku soo wada duubo qabsoomida xafladda sanad-guurada 14-aad ee Dowlada Puntland Malaysia ayaa kusoo beegmeysa xilli Somalida ku nool dalka malaysia ay ku guddo jirreen maalmahoodii fasaxa ciida , sidaasna ay suurto gal ku ahaatey in dad badan oo ka yimid gobolada ay kasoo qeyb galaan.

Ururka Ardeyda Puntland Malaysia
Faafin: Horseed Media