Falanqeyn: Nidaamka Dimoqraadiyeynta Ee Puntland [Qaybta Kowaad]

Hordhac:

Xukuumadda hada haysa taladda Puntland waxay wadaa qorshe ay ku doonayso inay wadanka kaga saarto nidaamka wax qaybsiga beelaha ayna ugu rarto nidaamka Xisbiyada badan qorshahaas oo ah mid in badan ay ku taamayeen dadweynaha Reer Puntland.

Maalinimadii shalay waxaa kalfadhi aan caadi ahayn isugu yimi mudanayaasha Golaha Wakiiladda si loo dardargeliyo qorshaha Xukuumada wakhti uu madaxweynihii ku maqan yahay wadanka dibadiisa Horseed Media waxay ka ogaatay xubno ka ag dhow dhow gudiga doorashada 48saac ka hor inuu jiro kulan deg deg ah oo ay isugu iman doonaan Golayaasha Dowladda & Gudiga Doorashadu.

Hadaba muhiimada uu leeyahay nidaamka dimuqraadiyentu darteed Horseed Media waxay bilaabi doontaa Warbixin taxane ah oo lagu lafa guri doono qorshaha Xukuumada warbixintaas oo ka kooban ugu yaraan 5 qaybood waxaa la bilaabi doonaa baahinteeda 15 Sep, 2012 hadaba waxaana soo bandhigi doonaa Falanqayntan oo hor dhac u ah warbixintaas tan oo aanu si kooban uga hadli doono qorshaha Dimuqraadiyeenta Xukuumadda.

Puntland ma u baahan tahay Nidaamka Xisbiyadda badan?

Ma ahan mid muran ka taagan yahay la iskumana hayo in Puntland u baahantahay inay ka guurto Nidaamkii lagu dhisay ee wax qaybsiga beelaha una guurto nidaamka xisbiyada badan (Democratic system) Xukuumadii ugu horaysey ee qabta hogaanka Puntland mandate-keeda ugu weyni wuxuu ahaa sidii ay Dalka uga dabaali lahayd nidaamka asxaabta badan 3 sano gudahood.

Nidaamka wax qaybsiga Beelaha wuxuu awood u siinayey Odayaasha dhaqanku inay soo magcaabaan mudanayaasha Baarlamaanka & kuwa Golayaasha Deegaanka Degmooyinka talaabadaas oo keenta in aan loo soo xulin Golaha Wakiiladda (Hay’adda sharci dejinta) & Golaha Deegaanka mudanyaal ku munaasib ah aana haysan kalsoonida & rabitaanka Dadweynaha ay metelayaan kuwaas oo ay dhacdo qaar kood in lagu soo xulo Eex, Musuq maasuq & Xaal mastuur.

Halka Nidaamka Xisbiyada badani uu fursad u siinayo Dadweynaha reer Puntland inay iyagu soo doortaan xubnaha u metelaya Golaha Wakiiladda & Golaha Deegaanka, muwaadin kasta oo reer Puntland u saamaxaya inuu wax doorto isagana la doorto.

Nidaamka wax qaybsiga beeluhu wuxuu Puntland ku riday dib u dhac isagoo u horseeday la xisaabtan la’aan, mucaraad la’aan, Cadaalad la’aan, ku tagri fal awoodeed & in Shaqadii Hay’addaha Dastuuriga ahi (Golaha Wakiiladda, Garsoorka & Fullintu) ay ku ururto Madaxtooyada oo noqotay Xafiiska wax kasta laga soo jaan gooyo (Madax ka nool) la’aanteedna aan go’aan la gaari karin.

Qorshaha Xukuumadda.

Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) waxaa u qorshaysan inay Dalka u horseedo nidaamka xisbiyada badan sida ay sheegeen marar badan waxayna ka mid ahayd balan qaadkii uu sameeyey Madaxweynuhu wakhtigii uu ku jiray ololaha doorashadda 2009.

Hadda Dowladdu waxay meel marisay Dastuur cusub, waxay soo dhisatay Gudigii doraashooyinka, waxay ansixisay Xeerkii Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka talaabooyinkaas oo dhamaantood fure u ah geediga Xukuumadu u tahay nidaamka dimuqraadiyada.

Maamulka Dowladda oo aan baahsanayn.

Tan & 1998-dii markii la asaasay Dowladda Puntland waxay maamulkeeda ku fidin la dahay goobaha ka baxsan Laamiga (Dhinaca Bari & dhinaca Waqooyi) awoodeediina waxay ku koobantay wadada Laamiga ah oo marba dhinac loo sii qaado.

Xukuumada hada talada haysaa waxay ballan qaaday inay Maamulka ku fidin doonto Deegaanada ka leexsan Laamiga hase ahaate ma noqon ballan qaadkaasi mid fula waxaana lagu eedeyey inay maamulka xoogiisii ku koobtay Caasimada Garoowe Madaxweynaha talada hayaa si buuxda ugama degin Laamiga (diilinta) xataa ma booqan Deeganada ka baxsan marka laga reebo 2 safar oo qaatay mudo aad u kooban oo uu ku kala tagay Degmadda Rako sanadkan 2012 & Deegaanka Igadhays oo u booqday sanadkii 2010 ujeedada labadaas safar ayaa ku koobnayd sidii loo so afjari lahaa khilaafyo u dhexeeyey beelo wada dega deeganadaas.

Dastuurka Puntland & Nidaamka Xisbiyadda .

Sida ku cad Dastuurka Qodobka 46-aad ee Dastuurka Puntland farqadihiisa 1-aad Puntland waxaa lagaga dhaqmayaa nidaamka Xisbiyadda badan farqadaas oo u dhigan sidan:-

Qodobka 46-aad farqada 1-aad:“Dawladda Puntland waxaa lagaga dhaqmayaa nidaamka xisbiyada badan”.

Nidaamkaas oo xaq u siinaya muwaadinkasta inuu wax dooran karo lana dooran karo sida ku cad Dastuurka Qodobkiisa 44-aad farqadiisa 1-aad oo u dhigan sidan:-

Qodobka 44-aad farqada 1-aad: “Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha doorashada wuxuu xaq u leeyahay inuu wax dooran karo lana dooran karo”.

Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.

Golayaasha Dowladu waxay meel mariyeen Xeer gaar ah kaas lagu geli doono tartanka doorashooyinka Golayaasha Deegaanka xeerkaas Qodobkiisa 2-aad waxaa ku qoran dhamaan Degmooyinka Puntland kuwaas oo loo kala qaybiyey 3 derejo oo kala ah B,T & J, ama A, B, iyo C

Degmadda haystaa Derajada B tirada xubnaheeda Golaha deegaanku waxay noqnayaan 27 xubnood, Degmadda haysata Derajada T waxay yeelanaysaa 21 xubnood halka Degmadda haysta derajada J ay yeelanyso 17 xubnood.

Qodobka 54-aad ee Xeerkaasi wuxuu dhigayaa in Doorashada Golayaasha Deegaanku ay ka dhici doonto oo keliya 21-kii Degmo ee jiray wixii ka horeeyey sanadkii 1991 xiligii Dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Raadraac Golayaasha Deegaanada Xukuumadii Cade Muuse.

2003 waxaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee Dowladda Xeer Lr.7 ee dhismaha Golayaasha Deegaanka waxaana lagu guulaystay Xiligii Xukuumadii Madaxwyne Cade Muuse in dhamaan Degmooyinka Puntland laga dhiso Golayaal deegaan marka laga reebo 5 degmo oo kala ah Isku shuban, Caramo, Waaciye, Fiqi fuliye, Xarfo & Rako.

Xubnaha Golayaashaas ayaa loo kala qaybsaday hab beeleed sida Golaha Wakiiladda waxaana awood loo siiyey odayaasha dhaqanku (Cuqaasha) inay soo magcaabaan xubnihii beelahooda u meteli lahaa, mudada xil haynta Golayaashaas ayaa ahayd 4 sano .

Raadraac Golayaasha Deegaanada Xukuumadda Madaxweyne Faroole.

Xukuumadda Madaxweyne Faroole waxay xafiiska la wareegtay iyadoo inta badan Degmooyinku leeyihiin Golayaal deegaan waxayna wax ka bedel ku samaysay sharcigii Lr.7 isla markiiba waxaa soo baxay khilaaf soo kala dhex galay Golayaashii Degmooyinka kaas oo inta badan salka ku hayey dhalashada Xukuumadda cusub, sida loo maamulo Dhaqaalaha ka soo xerooda canshuuraha ay qaado D/hoose & muran sharci.

Muddo yar gudahood waxaa soo buuxiyey Xafiisyada Dowladda waraaqo dacwooyin ah kuwaas oo Madaxweynuhu uga jawaabay si sahlan inta badana waxaa si aan waafaqsanayd nidaamka sharciga lagu kala diray Golayaashii Deegaanka iyadoo aan la isku deyin xataa in la dhegaysto cabashoyinkooda loona maro xalintooda sida sharcigu qabo.

Sidee loo kala diri karaa Golayaasha Deegaanka.

Sida uu dhigayo Sharciga Lr.7 lama kala diri karo Golayaasha Deegaanka ilaa ay dhamaystaan mudada loo dhaarshay xafiiska oo ku dhan (4 sano) hadii aysan dhicin sababaha ku xusan Sharciga Lr.7 ee dhismaha Golayaasha Deegaanka Qodobkiisa 23-aad farqadihiisa 2-aad ilaa 4-aad oo u dhigan sidan:

  1. Marka ay iscasilaan aqlabiyadda golaha deegaanka.
  2. Markii goluhu fariisan waayo laba kalfadhi oo isku xiga sabab la’aan.
  3. Marka ay sugnaato in goluhu si bareer ah ugu xadgudbey dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.

Hadii ay dhacaan sababaha kor ku xusan sida uu dhigayo Sharciga Lr.7 Qodobkiisa 23-aad farqadihiisa 5-aad ilaa 7-aad Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo wakiil uga ah Dowladda dhexe D/hoose ayaa qoraal faahfaahsan u gudbinaysa Madaxweynaha marka uu Madaxweynuhu helo qoraalka Wasaaradda kuma gaari karo go’aan rasmi ah waxa uu warqad u dirayaa Maxkamada Dastuuriga ah (Puntland ma leh Maxkamad Dastuuri ah sidaa darteed shaqadeedii waxaa sii qabata Maxkamada sare) marka ay Maxkamada u cadaato in Goluhu galay faldenbiyeedyada kor ku xusan waxay u soo dirayaan Madaxweynaha qoraal cadaynaya inay sugan tahay eedaynta Wasaaraddu.

Madaxweynuhu markuu helo caddaynta maxkadda, wuxuu soo saarayaa wareegtada kala dirista golaha deegaanka, isagoo isla qoraalkaasna ku caddaynaya xilliga doorashada golaha deegaanka ee cusub oo aan ka badnayn 45 cisho sida ku cad Sharciga Lr.7 qodobkiisa 23-aad farqadiisa 7.

Garoowe: Golihii Deegaanka Degmadda Garoowe waxaa ka dhamaaday wakhtigoodii bilowgii 2010 iyadoo la tixgelinayey mashaariic UN-ku ka waday Degmada gaar ahaan Mashruuca JPLG ee ka taageera dhinac horumarinta 4 Degmo oo ka tirsan Puntland waxaa si sharci daro ah xilkii loogu kordhiyey Wareegto ka so baxday Xafiiska Madaxweynaha maadama Mashaariicdaas aysan Qaramada midoobay ka fulin degmooyinka aan lahayn Golayaasha Deegaanka mudo yar kadib oo ku beegnayd Aug, 2010 waxaa loo dhisay Gole cusub kumana iman wax hakad ah mashaariicdii.

Boosaaso: Golihii Deegaanka Degmadda Boosaaso waxaa lagu kala diray Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha bishii 25 Feb, 2010 iyadoo uusan dhamaan wakhtigoodii aana loo marin sifo sharaci ah wax khilaaf ahna kama dhex jirin waxaana loo magcaabay Duqa Degmada Maxamuud Beeldaaje oo ahaa Wasiir ka tirsan Xukuumadda ilaa hadana haya xilkii Wasiirnimo (Sharcigu ma ogola Wasiir ka tirsan Dowlada dhexe oo aan shaqdii iska casilin ama laga qaadin in uu noqdo Duq Degmo), markiiba talaabadaas waxay dhalisay in UN-ka oo ka waday degmadaas mashruuca JPLG ay joojiyaan dhamaan hawlihii ay ka hayeen.

Sida uu dhigayo sharcigu laguma soo dhisin Golihii Deegaanka mudo 45 cisho gudahood ah waxayna Boosaaso Gole la’aan ahayd Feb, 2010 ilaa Aug, 2011 iyadoo sidaa ku weyday mashaariic badan oo horay Qaramada midoobay ugu balan qaaday.

Tirada Dhismaha Golayaasha Deegaanka Xukuumada hada haysa talada.

Xukuumadu mudadii ay Xafiiska joogtay oo hada dhan 3 sano & 8 bilood waxay ku guuldaraysatay inay u soo dhisto dhamaan Degmooyinka Golayaashii Deegnaaka oo ku iman jiray hab ka fudud kana dhaqaale yar kan ay hadda wado (Democratic system) oo muwaadin kasta xaq u siinaya inuu codeeyo waxayna dhisatay oo keliya 9 degmo oo 95% dhaqaalaha ku baxay ay bixiyeen beesha Caalamku halka Xukuumadii Cade Muuse dhismaha Golayaasha Deegaanka uga qorshaysay miisaaniyada guud ee Dowladda 4.5% lacagtaas oo ahayd 90% lacagtii lagu dhisay Golayaashii hore.

Ku xadgudub Sharci .

Sida uu dhigayo Dastuurka Qodobkiisa 7-aad farqadiisa 1-aad Dhulka & soohdimaha Puntland waxay ka kooban yihiin 8 Gobol, Dhamaan Degmooyinka Puntland oo ka kooban 37 Degmo waxaa loo dooranayaa Degmo kasta Gole Deegaan sida uu dhigayo Dastuurka Qodobkiisa 123-aad farqadiisa 3-aad oo u dhigan :-

Dastuurka Puntland Qodobka 123-aad farqadiisa 3-aad :- Golayaasha Deegaanka waxaa dooranaya muwaadiniinta degmo kasta muddo shan (5) sano ah, dibna waa loo soo dooran karaa

Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanku wuxuu si cad u khilaafsan yahay Dastuurka Puntland waxaana ku qeexan in 21 Degmo oo keliya loo dooran doono Golayaasha Deegaanka sida ku cad Qodobka 54-aad farqadiisa 1-aad oo u dhigan sidan:-

Xeerka Doorashada Qodobka 54-aad farqad 1-aad:- “Doorashooyinka 1-aad ee Golayaasha deegaanku waxay ka dhacaysaa 21-kii degmo ee lahaa xuduudaha sugan xilligii dawladdii hore ee Soomaaliya (1990)

Isla Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanka oo ay ansixiyeen Golaha Wakiiladu Madaxweynuhuna saxiixay Qodobkiisa 55-aad ayaa lagu sheegay in la buriyey Xeerkasta/Sharci kasta oo ka hor imanaya xeerkan:-

Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanka Qodobka 55-aad:- “Waxaa la buriyey Xeer kasta oo ka hor imaanaya ama la socon karin xeerkan” qodobkaas oo micnihiisu noqonayo in la laalay Qodobka 123 ee Dastuurka Puntland.

Dastuurka Puntland Qodobkiisa 138-aad farqadiisa 2-aad wuxuu waxba kama jiraan ka soo qaadayaa Xeer, Xeer hoosaad & Wareegto kasta oo Dastuurka Puntland ka soo horjeeda taas oo micnaheedu noqonayo Xeerka Doorashooyinka Degmooyinka Puntland ee la meel mariyey inuu yahay sharci daro maadama u si cad uga soo horjeedo Dastuurka wuxuuna qodobkaasi u dhigan yahay sidan:

Dastuurka Puntland Qodobka 138-aad farqadiisa 2-aad “Xeer, xeer hoosaad iyo wareegto kasta ee fulineed oo ka soo horjeedda shareecada Islaamka iyo Dastuurka Puntland waa waxba kama jiraan”.

Waxaa cadayn sharci u baahan Dastuurka Qodobkiisa 123-aad & Xeerka doorashooyinka Golaha Deegaanka kee sharci daro noqonaya oo buraya ma Dastuurka? Mise Xeerka?

Waxaa kale oo cadayn sharci u baahan Dastuurka Qodobkiisa 138-aad farqadiisa 2-aad & Xeerka Doorashooyinka Qodobkiisa 55-aad kee labadaas Qodob saxan oo si sharci ah ku taagan?

Degmooyinka aanay doorashooyin ka hirgeli karin.

Waxaa jira Degmooyin ku jira 21 Degmo ee Dowladu u qorshaysay inay ka dhacaan doorashooyinku kuwaas oo aanba ku jirin gacanta Dowladda!! ayna ka taliyaan maamulo kale waxaana ka mid ah Ceerigaabo, Laascaanood, Buuhoodle, Caluula, Taleex & Xudun, Waxaa iyana jira Degmooyin Dowladu aysan ku lahayn awood fiican kuwaas oo iyana sida xaqiiqda ah lagala kulmi doono caqabado badan hadaba waxaa is weydiin leh Degmooyinkaas xagee looga codayn? Xildhibaanada uga mid noqon doona Baarlamaanka & Golayaashooda Deeganka xagee laga soo dooran? Maxaase Gudiga doorashada uga qorshe ah?

Kalfadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiilada.

Waxaa magaaladda Garoowe ka furmay maalinimadii shalay kalfadhi aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen mudanayaasha Golaha Wakiilada Puntland ujeedada kalfadhigaas ayaa ahayd sidii la isu waafajin lahaa Xeer horay ay u ansixiyeen Goluhu & Qorshe ay soo diyaariyeen gudiga ku meel gaarka ah.

Sida aan ka ogaanay xubno ka tirsan Baarlamaanka muhiimada u weyn ayaa ahayd sidii loo bedeli lahaa wakhtiga loo qabtay awal in lagu diiwaan geliyo ururada Siyaasada oo horay u ahaa 7 bilood hase ahaatee Gudiga ayaa codsaday in la meel mariyo qorshe cusub oo ay soo diyaariyeen kaas oo ugu badnaan ka dhigaya mudada lagu soo dhamaynayo diiwaan gelinayo ururada cusub 3 bilood qorshahaas oo isla maalinimadii shalay Goluhu ku ansixiyey cod aqlabiyad ah.

Maxaa keenay in qorshahan la dedejiyo?.

Shiine Culay oo ah qoraha Falanqayntan horay wuxuu uga tirsanaa saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland mudadii u dhexeysay Jan, 2009 ilaa Sep, 2011 isagoo xubin ka noqday dhowr Gudiyo dhowr ah oo loo xilsaaray inay ka shaqeeyaan sidii Golayaal deegaan loogu dhisi lahaa Degmooyinka qaar taas oo uu ka dhaxlay waayo aragnimo fiican & xogogaalnimo.

Horay qorshahu wuxuu ahaa in Ururada diiwaan gelintooda lagu soo dhameeyo 7 bilood gudahood hadase waxaa lagu soo koobay 3 bilood oo ku eg 2 Nov, 2012 hadaba waxaa ka soo baxaya dhowr su’aalood oo is weydiin u baahan !

Waa maxay sababta ay Xukuumadu u dardargelisay qorshaheeda? Maxaa ku soo beegay xiliga kalfadhiga aan caadiga ahayn la isugu yeeray Golaha wakhti in yar uun laga joogo markii uu dhamaaday kalfadhigii caadiga ahaa ee Golaha oo loo sugi waayey kalfadhiga danbe?

Dardargelinta ay bilowday Xukuumadu waxaa markhaanti ugu filan waxay talaabadani ku soo aaday xili Madaxweynihii kaga maqan yahay wadanka dibadiisa sida caadada ahna qorshayaasha waaweyn waxaa la fuliyaa inta uu Madaxweynuhu waddanka joogo xataa hadii u safar ku maqan yahay inta badan waa lala sugaa waana sababta Puntland loogu bixiyey (Madax ka nool) waxkasta in Madaxweynuhu go’aan ka gaaro.

Waxaa la aaminsan yahay in dedijinta qorshahan in ay salka ku hayso arrimo badan waxaase ugu muhimsan xiligii loo dhaarshay Xafiiska waxa ka dhiman 4 bilood oo keliya waxayna ka rajo qabtaa inuu u fulo 1 sano oo mudo kordhin ah oo ay samaysatay qorshaha ugu weyn ee Xukuumadu is leedahay waa idiin ku hirgeli karaa sanadkaasina waa iyagoo guda gala hawsha Xisbiyada .

Waxaa xusid mudan in dedejinta qorshahani ku soo aadayso xili indhaha Beesha Caalamka, Bulshada Soomaaliyeed, Dadweynaha reer Puntland & saxaafada madaxa banaani ku sii jeedaan marxalada kala guurka Soomaaliya taas oo Xukuumadu u aragto fursad laga faa’idaysan karo .

Wakhtigu waa is gurayaa.

Mudadii Xukuumada loo dhaariyey Xafiiska waxaa ka harsan 4bilood oo keliya hadii lagu daro 1 sano oo mudo kordhin ah oo ay samaysatayna waxay noqon 1 sano & 4 bilood hawsha oo ah mid aad u baaxad weyn sida:-

  • in Gobolkasta Gudiga doorashadu ka furtaan Xafiis.
  • in la Diiwaangeliyo Ururadii siyaasada.
  • in la kala reebo Ururada.
  • in Dadweynaha Reer Puntland loo sameeyo kaarar aqoonsi ah oo ay ku codeeyaan.
  • In la qabto doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka.
  • In 3 Xisbi ee ku guulaystaa ay u tartamaan Aqalka Wakiilada.
  • In in Baarlamaanka cusubi ay soo doortaan Madaxweyne & Ku xigeen.
  • Xisbiga ku guulaystaana uu sidaa ku so dhiso Xukuumada.

Hawsha sidaa u badan ma lagu qaban karaa 4 bilood ama 1 sano & 4-biloow iyadoo Xukuumadu mudadii ay joogtay Xafiiska oo dhan 3 sano & 8 bilood u qaaday dhanka dimuqraadiyada dhamaystirkii Dastuurki qabyada ahaa, Ansixintiisii, dhismihii Gudiga doorashada & ansixinta Xeerka Doorashooyinka shaqooyinkaas oo dhamaantood marka la isku daro ay ka hawl & kharash badan tahay in Dadweynaha loo sameeyo kaarar aqoonsi.

Yaa u diyaarsan furashada ururo siyaasadeed.

Wey adagtahay in siyaasiyiinta sida cad u mucaaradsan Xukuumadu ay ku qancaan furashada xisbiyo cusub waxayna ku doodayaan in doorashada wakhtigeedi la qabto Baarlamaankana lagu soo xulo sidii horay loogu xuli jiray, Sidaa darteed Xukuumadu waa inay hesho siyaasiyiin u diyaarsan inay ururo furtaan si hadaba taas loo helo Horseed Media waxay ka ogaatay saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda in Xukuumadu furan doonto Xisbi (Xisbi xaakim). Isla markaana Xisbi kale uu furan doono Wasiir ka tirsan Dowladda hadda laakiin is casili doona marka ay soo dhowaato diiwaan gelinta ururadu.

Ururka uu furto Wasiirku dhaqaale ahaan waxaa si hoose u maal gelin doona Xukuumadda mana noqon doono mucaarad adag oo dhab ah wuxuu noqonaya sub stition xukuumadda ka tirsan dadkase waa loo fahansiin Xisbi mucaarad ah waxaana lagu dadaali doonaa sidii labadaa Xisbi u soo bixi lahaayeen hadiiba ay dhacdo in ay Dalka doorashooyin ka hirgalaan si markasta Madaxweynuhu u helo aqlabiyada kuraasta Baarlamaanka talaabadaas oo fursad u siinaysa in Xukuumada markale la doorto ama ay yaraato mucaaradada laga fili karo xisbiyada.

Kalsoonida Gudiga Doorashada.

Gudiga Doorashadu waa garsooraha doorashada waxayna ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah waana muhim inay noqdaan gudi lagu wada qanci karo oo la aaminsan yahay inay dhinacna u xaglin doonin noqdaana kuwo ka madax banaan Xukuumada ama aan lagu tumo xaglin.

Gudiga doorashada ee hada waxay ka kooban yihiin 9 xubnood waxaana soo magcaabay aqlabiyadooda (5 xubnood) madaxweynaha halka ay ahayd in Golaha Wakiiladu ka soo doortaan 4 xubnood hase ahaatee Gudi Baarlamaanku u xil saaray inay soo xulaan xubnahaa waxay isku afgaran waayeen sidii loo qabsan lahaa waxaana markii danbe magcaabay Gudoomiyaha Baarlamaaka oo sida la rumaysan yahay wada tashi kala yeeshay Madaxweynaha.

Qaab ka ay ku yimaadeen Gudiga doorashadu oo magcaabid ah ayna so kala magcaabeen Madaxweynaha & Gudoomiayah Baarlamaanku waxay sheki gelinaysa kalsoonida lagu qabi karo dhexdhexaadnimadooda ugu yaraan 5 ka mid ahna waxay ka tirsanaayeen saraakiisha Dowladda ka hor intii aan xilkan loo magcaabin sida Gudoomiyaha Gudiga Maxamed Xasan Bare oo Dowladda Wakiil uga ahaa Kenya markii Madaxweynuhu magcaabaybna Gudiga doorashada waxaa booskiisi lagu bedelay Cali Jaamac Gibin (Cali Bare) oo ahaa markaas Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda.

Baroortu Orgiga ka weyn (Arintu xisbiyo ka weyn).

Sida waxgarad badani aaminsanyihiin ama ay Xukuumadda ku eedeeyeen siyaasiyiin badan danta ugu weyn ee Xukuumadu ka leedahay qorshahan waa in ay ku meel marsato 1kii sano ee ay ku darsatay isla markaana ay ku hesho marmarsiiyo ay Xafiiska ku sii joogto marka wakhtigeedii loo dhaariyey uu dhamaado taas oo ka dhigan (Maantana far baa mayr le’eg hay fadhiyo geelo) hawshii waan wadnaa welina waa qabyo waxbaa naga dhiman ee hanala siiyo fursad aan ku dhamayno.

Gebogebadii waxaan ku soo gunaanadaynaa Faaalladan oo hor dhac u ahayd warbixin taxana ah oo Horseed Media bilaabi doonto daabacadeeda 15 Septembar, 2012 taas oo aanu ku faaqidi doono Qorshaha Xukuumada ee ku wajahan Dimuqradaynta (Democratic system) waxaana idin ku dhaafaynaa su’aasha ah Puntland & Hayaankeeda Xisbiyo badan sidan miyaa!!!???

F.G: Hadii aad hayso warbixin ama qoraalo aad is leedahay waxay wax ka tari doonaan warbixinta danbe waxaan si xushmad leh kaaga codsan in aad noogu soo dirto Emilka ah shiine@horseedmedia.net amaeditor@horseedmedia.net waxaan kuu balan qaadaynaa in aanan soo xigan doonin magacaaga ama aanan la wadaagi doonin cid kale ama gacan saddexaad macluumaadkaaga.

Qoraalkan waxa u gaar u yahay Horseed Media, haddii cid sii daabceyso waxaa laga doonayaa in ay xusaan isha Maqaalka iska leh

 

Shiine Culay
Horseed Media
Facebook: Shiine Culay Follow on Twitter: @Shiineculay

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.