Somaliland Oo Soo Dhaweeysey Doorashadii Madaxweynaha Federaalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa sheegey in maamulka Somaliland ay si weyn u soo dhaweyneyso doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay u dhacdey si xalaal ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in wadahadalkii horey ugu bilowdey iyaga iyo Dawladda Federaalka ah ay halkoodi ka socon doonaan.

Advertisements

Tan iyo shirkii Febaraayo ee ka dhacay magaalada London waxaa isbadaley jawiga xirtiirka Somaliland iyo Federaalka Soomaaliya, iyada oo Somaliland muddo dheer ku dhawaaqeysey in ay yihiin dal gooni ah inkasta oo aysan jirin wax ictiraaf ah ay heleen muddo 20 sano ah, waxaana la filayaa in wax weyn ay ka bedeli doonto doonitaankoodi ahaa gooni u istaaga mar haddii Soomaaliya yeelatey dawlad rasmi ah.

Horseed Media
News Desk