Madadweynihii Hore Oo Madaxtooyada Villa Somalia Ku Wareejiyey Madaxweynaha Cusub (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxweynihii DKMGa aheyd Mudane Shariif Sheekh Axmed kala wareegay Madaxtooyada Qaranka iyo hadiyado markii hore Madaxweyne Shariif si gaar ah loogusoo hadiyadeeyey kuwaasi oo dahab u badan.

Ugu horeyn Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagusoo wareejiyey qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Madaxtooyada Qaranka ayadoo Madaxweynahana uu mid mid u bartay dhammaanba shaqaalaha ka shaqeeya xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wehliyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo Madaxweynihii dowladii KMGka aheyd waxaana dhammaanba uu la wareegay dikomentiyadii yaalay Xafiiska iyo hadiyaddo uu Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed horey u gudoonsiiyeen madaxda dalalka caalamka ee Soomaaliya saaxiibada la ah kuwaasi oo maanta uu la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadiyadaha uu maanta ku wareejiyey Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda ee la doortay ayaa waxaa ka mid ahaa:- Seef Dahab ah, saacad dahab ah,dhismaha cusub ee Midowga Afrika iyo dhismihii hore ee Midowga Afrika oo dahab ah, dhismaha kacbada oo dahab ah iyo hadiyaddo kale kuwaasi oo madaxweynihii hore ay Madaxda caalamka horey usoo gudoonsiiyeen.

Markii uu kormeerkii uu kormeerayey Madaxtooyada Qaranka uusoo gebagebeeyey Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu kulan la qaatay dhammaanba shaqaalaha Madaxtooyada oo markii uu kormeerka ku guda jiray mid mid usoo gacan qaaday.

Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyey kulanka uu Madaxweynaha cusub la qaatay shaqaalaha xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxa uu shaqaalaha uga mahad celiyey sidii ay ulasoo shaqeeyeen waxaana uu ka codsaday iney sidii ay ulasoo shaqeeyeen iyo si ka wanaagsan ula shaqeeyaan Madaxweynaha hada la doortay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey sidii ay ugusoo dhabar adeygeen xaaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray gaar ahaan marxaladihii amni darro ee ka jira Muqdisho intii aan laga xoreyn Maleeshiyada Al-Qaeda.

“shalay waxaad u shaqeyn Dowladda Soomaaliya oo waxaad aheydeen shaqaale dowladeed, hadana waad tihiin,waadna ahaan doontaan,hadii ay qaarkiin ku fekereen inaan shaqaale cusub keensanayo majirto taasi oo idinka ayaa shaqaalaha Dowladda ah xaqna u leh maadaama aad xaalado kala duwan kusoo sabarteen” ayuu fariin ahaan ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kula dardaarmay shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka iney halkoodii kasii wadaan shaqadooda islamarkaana ay laba jibaaraan.

Munaasabadda xil wareejinta rasmiga ah ee uu xilka kula wareegayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo asteeyey iney magaalada ka dhacdo 16ka bishan September oo ah maalinnimada Axadda ee soo socota.

Xigasho: Radio Muqdisho

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.