Madaxweynaha Soomaaliya Oo Safar Ku Aaadey Dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar ugu baxay dalka Uganda. Safarka Madaxweynaha ayaa noqonayaa kii u horeeyey ee dalka dibadiisa ku tago tan iyo markii loo doortey Madaxweynaha Soomaaliya muddo haatan bil laga joogo.

Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira in uu ka qaybgalo dabaaldega iyo xuska loo samaynayo maalinta xoriyada ee dalka Uganda, taas oo 50 sano jirsatey.

Madaxweynaha waxaa horey u sii raacey qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, Lataliyaal iyo weliba shaqaalaha Madaxtooyada xubno ka socda.

50 guurada ka soo wareegtey maalinta xoriyadda Uganda waxaa ka soo qaybgalaya Madax ka kala socota caalamka, oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Masar ee shacabku soo doortey Maxamed Mursi.

Dalka Uganda waxaa ka jooga Soomaaliya ciidanka u badan ee ka socda Midowga Afrika, waxaana uu safka hore kaga jiraa dalalka muddooyinkan danbe saameynta kuleh siyaasadda Soomaaliya.

Horseed Media
Muqdisho, Somalia

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!