Horseed Ma Mucaaridbaa? Horseed Ma Muxaafidbaa? Horseed Ma Musharaxbaa?

Horseed Media

“Opinion and the other opinion”

Waxaa bilihii u danbeeyey warbaahinta Horseed Media soo gaarayey hanjabaado iyo caga-jugleyn ka imaanayey maamulka Dawladda Puntland ee uu hoggaamiyo Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Haddaba hanjabaadahaas ayaa heerar kala duwan soo marey, waxaa is weydiin mudan maxay salka ku-hayaan?, maxaa maamulku ku qoonsadey Horseed Media?, Horseed ma mucaaradbaa? ma musharax xil-doon ah baa?.

Malinimadii Sabtidii (06/10/2012) waxaa warqad ka soo baxdey Taliye ciidanka Booliska ee hawlgelinta qaabilsan lagu demiyey Radio Horseed Media xaruntiisa Bosaso, iyada oo aan denbi ay gashey lagu soo oogin.

Sidoo kale war Horseed Media ku kalsoontahay ayaa sheegaya in maamulku cadaadis ku saaray Shirkadaha bixiya Internetka in ay ka xanibaan Puntland websiteka Horseedmedia.net.

Warbaahinta Horseed Media waxa ay kaalinta hore kaga jirtey adeega bulshada iyo in laga haqabtiro macluumaadka iyo wararka ay u baahan yahiin bulshada Soomaaliyeed, taas oo si joogta ah isugu xiri jirtey qurba joogta Soomaaliya iyo dadka ku sugan gudaha Soomaaliya.

Asaaskii Horseed Media 2008-dii waxa ay halkudhig u ahayd in la helo cod xor ah oo bulshada Soomaaliyeed leedahay gaar’ahaan shacabka ku dhaqan Puntland, waxaan si hufnaan iyo hawlkarnimo leh ula shaqeyney maamulka Dr.Cabdiraxmaan Faroole qaybihiisa kal duwan, Wasaaradaha, hay’adaha iyo weliba Madaxtooyada Garoowe.

Nasiib darro waxaa arimahaas bar-bar socdey in maamulku markasta bartil-maameedsado Horseed Media waxaana isku-dhaca u horeeyey uu ka bilowdey doorashadii Puntland 2009 kadib markii Horseed Media baahisey warbixin ay heshey oo ku sabsanaa kulan dhex-marey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN) iyo Dr.Cabdiraxmaan Faroole doorashadiisi maalin kadib, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka codsadey masuul ka mid ah kuwa Horseed Media in war-bixintaa deg-deg looga saaro webka taas oo loo sheegay in aan la tir-tireyn.

Safarkii u horeeyey ee Dr.Cabdiraxmaan Faroole ku tago magaalada Bosaso bishii Feberaayo 2009, waxa ay markiiba isku dhaceen Saxaafadda Bosaso ka hawlgasha, kadib markii nin ka mid ahaa raga la socdey uu suxufiyiin ku garaacey Isbitaalka Bosaso oo markaas Madaxweynuhu booqanayey, waxaa ka mid ahaa suxufiyiinta la dhibaatey Cabdiqani Xassan Maxamuud oo hadda ah Agaasimaha Radio Horseed ee Bosaso isla markaana u shaqeynaayey wakaaladda wararka ee Reuters, Saxaafadda oo isku duuban waxay joojiyeen in ay baahiyaan dhamaan dhaq-dhaaaqa Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo markaas ku jirey maalmahoodi u horeeyey. Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa suxufiyiinta ku casumey Aqalka Madaxtooyada waxaana uu siiyey raali-gelin, inkasta oo Madaxweynuhu raali-gelin baxshey ayey ahayd fariin muujineysa waxa soo socda.

Sawirkan waxaa ka muuqda Weriyaasha Bosaso oo 4 kamid ah ay Markaas Horseed ka hawl-galayey, waxaana Raaligelin siiyey Madaxweynaha Puntland feberaayo 2009

Haddaba tacaddiyada loo geystey Horseed Media marna kuma aysan xanbaarin in ay kaleexato mihnadeeda saxaafadeed ee ku aadan in dhankasta laga waramo, in bulshada codkeeda la soo gudbiyo, qofku haddii uu fikir qabo waxaa jira mid kale oo kiisa ka duwan waxaana lama huraan ah in uu aqbali karo in tiisa mid aan ahayn ay jirto loona baahan yahay in sidaas lagu wada shaqeeyo, waana shaqada saxaafadda in ay war ka keento kuwa warka sameeya “News Makers”, ee siyaasadda faraha kula jira ama u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada, ama arrimo ganacsi iyo horumar ka-hadlaaya.

Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Dhaqanka iyo Hidaha ee Puntland oo iyadu il-gaar ah ku eegta saxaafadda Puntland ayaa kursiga wasiirkeedu noqdey mid fadhi-diid ah ee aan lagu negaan, kaas oo mudacyo ka taagan yihiin, isla markaana ah Wasaaradda keliya ee 4 wasiir soo martey muddadii Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed xilka hayey.

1- Warsame Faarax Shirwac (Seefta Banaanka) Alaha u naxariisto waa la diley.
2- Cabdixakiin Axmed Guuleed Gandaal ( Waa la casiley).
3- Axmed Cali Askar (Waa la casiley.
4- Maxamuud Caydiid Dirir – Laba todobaad ayuu xafiiska joogaa.

Afarta masuul waxaa dhanka saxaafadda ugu khibrad badnaa waa Axmed Cali Askar ee dhawaan xilka laga qaadey markii Madaxweynuhu isku shaandheyn ku sameeyey, mudadii uu xafiiska joogey waxay ahayd markii ay ugu yarayd ee ay isku dhacaan saxaafadda iyo maamulka Puntland, laakiin waxaaba dhici karta intaasi ay tahay midda loo qoonsadey oo ninka dusha ka waardiyeeya Wasaaraddu uu dalbadey “Guure-Raac”  oo fulin kara dano ka baxsan kuwa wasaaradda.

Wasiirka warfaainta, isgaarsiinta iyo dhaqanka Maxamuud Caydiid

Maxamuud Caydiid Dirir, waxa uu ahaa dhlinyaradii ka baxdey dugsigii Farsamada gacanta ee Soomaaliya muddo laba sano ah ayuuna dhigtey, burburkii Dawladdii Soomaaliyeed waxa uu ka mid ahaa dhalintii gashey dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu ku lahaa Dukaan, waxa uu kadib bilaabey in uu waraysiyo iyo warbixino siiyo Idaacadda BBC-da isaga oo ka sheekaynaya xaaladda Soomaalida ee Koonfur Afrika, muddo kadib waxa uu qaxootinimo ku soogalay dalka Ingriiska, ma jirin hawl dawladeed oo ka yar Wasiirnimo oo uu soo qabtey.

Labada arrimood ee la yaabka leh ee wasiirku ku dhawaaqey taas oo aan suurta gal ka noqoteen Mudane Axmed Cali Askar ayaa ah “Saxaafaddu waa in ay maamulka la shaqeysaa, wax aanu raali kahayna aysan faafin karin” tani waa dimoqraadiyadda cusub ee Puntland cagta saartey, ee waxaa la yaab ku noqotey dadka in waraysi uu siiyey Warbaahinta SBC Xarunteeda Bosaso uu yiri “Horseed Media wixii ay caloosha ku qarsanayeen ayaa afku ka xadey oo ay banaanka soo dhigeen oo dadku arkey sidaas ayaana lagu xirey”, oo waxaasi muxuuu ahaa jawaab waa u waayey wasiirku.

Mudane Caydiid adiga oo aan xafiiska bil joogin ayaa xaalkaagu noqdey in gaariga aad horey mariso dameerkana gadaal geyso, waxaa dad badan fajaciso ku noqdey in nin aqoonyahan ah musharax ah una taagan xilka Madaxweynaha Dr.Gablax aad ku sheegto Burcadbadeed.

Mudane Caydiid kursiga aad ku fariisatey dadka qaarkiis waxay u yaqaanaan ” Fadhi-diid “, waa maalmo kooban wixii aadba joogtaa, waxaana fiican in aad miisan saarto hadalada aad isticmaaleysid isla markaana aad doorato hadal u qalma jagada aad hayso, waxaa habboon in aad wax ka qabato:

1-  Idaacaddii Dawladda Federaalku ugu deeqdey Wasaaradda aad joogtid ee la sheegay in shaqsiyaad ay qaateen, isla markaana sida gaarka ah loo isticmaalo in aad wax ka qabato,

2- Waxaa habboon in aad wax ka qabato Idaacadda Puntland loogu dhisayo deeqda Beesha caalamka oo La tailyaha Madaxweynaha ee dhanka saxaafddu sida gaarka ah ula wareegey una maamulayo dhismaheeda.

3- Mudane Wasiir waxaa ayaduna haboon inaad gacanta kusoo dhigto miisaaniyada loo qoondeeyey saxaafada dowlada Puntland 40.000.000(afartan milyan Bishii) ee khasnada dowlada laga saarayey 2dii sano ee lasoo dhaafay ayadoo aan jirin idaacada iyo warbaahin ku hadasha magaca dowlada. Marka laga reebo idaacada uu sida gaarka ah u leeyahay wiilka Madaxweynaha ahna Lataliyaha dhanka Saxaafadda.

Mudane Caydiid waxaa kuu yaala hawlo badan oo ka weyn Radio FM ah in aad xiritaankiisa ka dhigato waxqabadkii sanadka ee Wasaaraddu ku faani karto, ama Shirkad Ganacsi ee Isgaarsiin aad ugu hanjabto haddii aan la xanibin IP-ga Horseed idinka ayaa albaabada la idiin laabayaa.

In la xiro Raadiyaha Horseed Media, sidoo kale in Shirkado ganacsi oo madaxbanaan oo bulshada oo dhan ka dhexeeya awood iyo khasab loogu isticmaalo in faraha loo gasho wax aan shaqadoodu ahayn, cid alaale iyo cidii kula talisey maamulka ama ka danbeysey waxay u horseedeen waddo qardajeex ah waxay ku dhamaandoontana aan la aqoon, waxay ka leexdeen in ay asiibaan talada wanaagsan, waana afduub lagu sameeyey dimoqraadiyadda lagu hadaaqo in la aadayo taas oo dhigeysa in maamulku aqbali karo amaan iyo dhaliilba, lala xisaabtami karo, daah-furnaanta ay ku shaqeynayaana toosh lagu iftiimin karo, waxay indha ka xireen dastuurka Puntland ee qeexaya madaxbanaanida saxaafadda iyo xuquuqda asaasiga ah ee shakhasiga Puntland.

Horseed Media ma taageersana cid gaar ah, ha ahaato siyaasi damac gaar ah leh, Xisbi ama cid kale oo gaar ah, ma ahan mucaarad, mana ahan musharax tartan ku jira waa warbaahin dhex-dhexaad ah oo madax-banaan, Horseed Media waxay ku shaqeyn jirtey kuna shaqeyneysaa doonitaanka shacabka Soomaaliyeed, Waxayna soo tabineysaa dhamaan dhinacyada siyaasada iyo bulshada waxa danta ugu jirto, waxayna ka shaqeenaysaa sidii loo sixi lahaa wax ummada oo dhan kawada dhaxeeya.

Xiritaanka idaacadana maaha mid saxeysa khaladkii jiray oo mushtamaca ama Bulshada Puntland tabanayeen ee waxaa la oron karaa waxayba sii adkeynaysaa xal u helida mushkilooyinka taagan hadii shacabka iyo saxaafadda afka la qabto.

Dagaalka Maamulka Puntland ku qaadey Horseed Media maaha mid xalinaya qodobada waaweyn ee dowlada horyaal oo u baahan inay wax ka qabato, kuwaasi oo ay kamid yihiin:  Amniga, Dhaqaalaha, Dhowrista Dastuurka iyo Horumarinta dalka.

Hadaba maamulka Puntland waxaa la gudboon in caqabadaha horyaala ay xaliyaan, saxaafaddu waa markhaanti qaarkeedna ma-ahan markhaanti aamusan qaabka aad u shaqeyneysaan isha ayey ku haysaa waana tebineysaa, haddii aad si wanaagsan u maareysaana waa tebin haddii aad ku fashilantaana waa tebin, Horseedna waa markhaantiga dhacdooyinka.

Ugud anbeyntii Horseed Media ma diidana in ay la shaqeyso maamulka, kala shaqeyso hormarinta amniga iyo maamul-wanaaga, taasi waa shaqada Horseed, Maamulka waxaa laga rabaa joojinta beegsiga saxaafadda madaxa banaan, joojinta nooca Dimoqraadiyadda cusub ah ee afka loo xirayo shacabka dhegaha iyo indhaoodana la doonaayo in la ilaaliyo, maamulka waxaa looga fadhiyaa in uu dhegaysan karo codka shacabka taageersan ayaga iyo waliba kuwa u arka in xukuumada ay ku fashilantay isla markaana aysan u gudan waajibaadkoodi sidii looga baahnaa.

Horseed Media marna ka caajisi meyso in ay codsiiso kuwa aan codka lahayn.

Horseed Media – The Free Voice of Somalia

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!