Xafladii Qalanjibintii Iimaan Academy Dugsi Ee Magaalada Minneapolis

Xaflad si qurax badan loosoo agaasimay ayaa ka dhacday badhatmaha magaalada Minneapolis, ee Minnesota. Xafladan ayaa loo sameeyey ardayda dhameysey quraanka kariimka iyo arday dhameysey jusaska quraanka. Ardaydan bdhigata, Dugsigan Iimaan Academy, ayaa waxa uu ku yaalaa suuqyada Soomaalida Minnesota mid ka mid ah oo lagu magacaabo Kaarmeel Mall. Xafladan waxa ka soo qayb galay dhamaan ardayda dugsiga, waalidiinta ardayda, culimada, aqoonyahanada, ganacsatada iyo saxaafada.

Xafladan ayaa waxa ay kusoo beegantay xili ay iskuulada caadiga furan yihiin, iyo waliba xiligii qabowga oo minnesota bilowday. Xafladan ayaa waxa lagu abaalmariyey ardadii dhameysey iyo waalidiintii sida wanaagsan ula soo dadaalay arday.

Ugudanbeyntii, waxa halakaas erayo kooban kajeediyey ardaydii iyo macalimiintii. Sidoo kale waxa halkaas lagu casuumay ardayda iyo walaaidka casho sharaf lagu abaalmariyey ardayda.

Somali Media
Zakariya Aadan

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!