Somaliland: Wasaaradaha Kirada ku jira waa kusii jiri doonaan

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in xiligan uusan weli jirin qorshe xarumo cusub loogu dhisayo Wasaaradda maamulka Soomaaliland oo qaarkood ku jira guryo kiro ah. 

Axmed Cabdi Xaabsade oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay qorsheyaal kala duwan oo ay wasaaradiisa wado inay wax uga qabato hawlaha ay kamid yihiin sharciga cusub ee Wado maridda iyo gaadiidka dowlada ee sida musuq maasuqa ah loo isticmaalo.

Maamulka Soomaliland oo muddo ka badan 20 sano soo shaqeenayey ayaa waxaa jira qeybo kamid ah Wasaaraddaha dowlada oo ayagu lahayn xarumo u gaar ah oo ay Wasaaradu leedahay, walow ay jiraan Wasaaradaha waaweyn inay leeyihiin xarumo u gaar ah, halka kuwo kalena ay ku jiraan guryo kiro ah.

Maamulka Somaliland ayaa asagu horey uga dhaxlay xarumo badan dowladii hore ee Soomaaliya ee burburtay, sida kaabayaasha dhaqaalaha ee Dekkada Berbera iyo Airporada, halka ay jiraan xarumihii dowladii hore oo dib loogu sameeyey dayactir, waxaa ayaguna jira xarumo cusub oo la dhisay sida Baarlamaanka xaruntiisa oo ay Dowladaha Beesha Caalamka deeq ku bixiyeen.

Horseed Media
News Desk 

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!