Faallo: Xukuumadda Cusub Ee Raysalwasaare Saacid Waa Mid Taariikhi Ah, Maxaase Hor-yaala?

Golaha cusub ee Wasiirada dawladda Federaalka Soomaaliya

Xukuumadda maanta (Axad) lagu dhawaaqey ayaa ah mid taariikhda geleysa kadib markii ay isku darsatey saddex arrimood.

  1. Waa xukuumaddii ugu tirada yarayd ee abid soo marta Soomaaliyada xorta ah 
  2. Waa xukuumaddii u horeysey ee haweenka laga siiyo wasaarado miisaan leh
  3. Waa xukuumaddii u horeysey ee ka talaabsata 4.5 kadib markii beesha shanaad la siiyey laba wasiir 4ta beelood ee la yiraahdo waaweynka iyagana sidoo kale midkiiba laba wasiir.

Dheefta xukuumadda yar

Qorshaha xukuumadda kooban waxaa iska lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xassan Shiikh Maxamuud, waana sababta keentey in ay muddo dheer qaadato magacaabideeda, kadib markii Raysalwasaaraha guddoomiyaha baarlamaanka iyo la taliyaal kale ay isku mari waayeen.

Tirada yar ee xukuumaddu waa mid aad macquul ugu ah dalka Soomaaliya iyada oo horey loo magacaabi jirey wasaaraddo magac u yaal ah ama waqtiga iyo waayaha haysta Soomaaliya aan la jaanqaadi karin, sidoo kale dhaqaalaha iyo miisnaaiyadda Soomaaliya oo ku xirnaa deeqaha caalamku baxsho iyo xoogaaga ka soo gala dekadda Muqdisho ayaan dabooli karin wasaarado badan iyo shaqaale dawladeed oo xafiisyada u sheeka taga, marka dhankaas laga eego waa mid macquul ah ku habboon waqtideedina yimid, waxaa dhici karta in dadka qaarkiis qabaan arigta taas ka duwan isla markaana sababo u yeeli karaan.

Fa’iidooyinka kale ee ay leedahay tirada yar ee wasaaradaha iyo wasiiradu waa iyada oo si sahlan loo xisaabtami karo isla markaana laga warqabi karo shaqooyinka socda, shirarka golaha wasiiraduna ay yaraaneyso doodaha iyo wadahadlku oo aan boos loo heli karin 50 wasiir oo midba ra’yi qabo.

Caqabadaha ay yeelan karto

Markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu horgeeyey Raysalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Xildhibaanada baarlamaanka waxa uu heley kalsooni buuxda taas oo uu ku soo dhisi karo xukuumadda, laakiin barnaamijka xukuumadiisa iyo golihiisa wasiirada ayaa si rasmi ah u sugaaya in la horgeeyo Baarlamaanka.

1- Caqabadda u horeysa ayaa ah beelaha Soomaaliyeed oo seensaabka qabiilku waxkasta kala weynaadey sida loogu qancin karo, marka magaca guud laga yimaado ee mideeya oo hadda shan magac lagu soo koobey ayeysan haddana dhexdooda wax isu oggoleyn oo qabiilka iyo beeshu malahan meel uu ku dhamaado waa sarifmaa, markii arimahan oo kale yimaadaan, waxaa maalmaha soo socda la sugayaa bayaano, shirar iyo baaqyo ka soo baxa beelo hoosaadyo iska dhex arki waayey golaha wasiirada.

Waxaan is weydiiyaa waqtiga Bulshada Soomaaliyeed maskaxda ka xoroobeyso, Wasiirka la magacaabayo ma hormarinta beeshiisa ayuu ka shaqeyn?, maxaa kaa soo gaara wasiirka magaca beesha kula wadaaga? muxuu yahay sababta lagu difaacaa? Muhimaddu waa mid keliya ee maaha dan iyo faa’iido  uu u hayo wasiirkaasi beesha, waana Qab iyo Faan keliya waa nala xusey dad laga tegi karo ma nihin iyo wax la mid ah, faa’iidada ugu weyn ee u keeni karo waa isaga oo shaqaaleysta saddex wiil oo qoryo ku raran, laba ama hal xafiiska uga shaqeeya, iyo hal gaariga u wada waaba haddii uu yahay mid qabiili ah.

Dagaaladii 1991 -1992 ee muqdisho beelihii USC ku dagaalameen ayaan is weydiiyey sababta hal beel muddo yar gudaheed ay laba beelood oo dirirya marba dhinac la soo safteen, sababtu waxay ahayd hoggaamiyihii beeshaas ayaa markii uu Cali Mahdi is qabteen beeshii ku yiri halkan waxba idiinma yaalo ee dhanka kale aan u wareegno oo xabadda ka soo ridno, muhimadda rasmiga ahna waxay ahayd in isagu dantiisi waayey, waana midda la doonayo in Bulshada Soomaaliyeed maskaxdoodu ka xorowdo.

2- Caqabadda labaad ayaa ah in xukuumaddu hesho kalsoonida, baarlamaanka Federaalku waxa uu sugayaa in xukuumadda lagu horkeeno muddo 15 maalmood gudahood ah sida dastuurku qabo, barnaamijka xukuumadda iyo wasiirada waxaa loo qaadayaa codka kalsoonida ah kaas oo ah gacan-taag,

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maalintii shalay 03.11.2012 shir ay ku yeesheen xaruntooda isku raacey in meeesha laga saaro qodobo ka mid ahaa dasuurka waxaana ugu muhimsanaaa  qodobka  67-aad waxaana uu dhigaayey sidan:

“Lama kala diri karo Golaha Shacabka ka hor dhammaadka muddadiisa afarta sano ah marka laga reebo haddii uu Goluhu awoodi waayo in uu ansixiyo golaha wasiirrada iyo barnaamijka Dawlada sida ku xusan qodobka 100aad (c) ee dastuurkan.”

Arintaas ayaa dadka qaarkiis ku tilmaameen fariin ay u dirayaan madaxweynaha iyo raysalwasaaraha in haddii ay u cunatami weydo Xildhibaanada Golaha Wasiirada ee la soo dhiso  awoodna ay u leeyihiin in ay hor isaagi karaan, isla markaana aysan jirin khatar uga imaaneysa, haddii ay hor isaataagaan, inkasta oo Xildhibaanada baarlamaanku ay ka duwan yihiin kuwo horey u soo marey Soomaaliya ayaa haddana waxaa weli ku jira kuwii soo bartey xarigjiidka isla markaana ka soo macaashey.

3 Caqabadda Saddexaad ee horyaala xukuumadda cusub waa maamul goboleedyada ka tirsan Federaalka Soomaaliya, gaar’ahaan maamulka Puntland oo ay dhici karto in uu istaago mawqifkiisi ahaa nala kalama tashan, inkasta oo dastuur loo sameeyey dalka isla markaana lagu qeexay cidda iska leh awooda soo xulida magacaabida iyo cidda lala tashanaayo, ayaan la ogeyn in Puntland oo wax ka soo dhistey federaalka lagala tashadey, sida muuqata hal wasiir oo reer Puntland ah ayaa ku jira, ma cadda mawqifka siyaasadeed ee Puntland ka istaagi doonto maalmaha soo socda.

Wasiirka arrim,aha dibadda ahna Raysalwasaare kuxigeen fawsiya Yusuf Xaaji Adam

Dhanka kale maamulka Somaliland oo isagu aaminsan in ay yihiin dawlad ka madaxbanaan Soomaaliya, ayaa kuleh xukumadda cusub wasaarad mug iyo miisaan leh iyo weliba raysalwasaare kuxigeen, waxaana markii u horeysey loo magacaabey xilkan gabadh Soomaaliyeed waa Fowsiya Yusuf Xaaji Adam, gabadhan ayaa horey u ahayd gabadh u taagneyd in ay ka shaqeyso Somaliland oo madaxbanaan, waxay ka soo shaqeysey jaamacadda Haregsya mar waxay hawada soo gelisey Telefishan Soomaali ku hadla kaas oo loogu yeeri jirey RAAD TV, ugu danbeyntii waxay samasatey Xisbi ka mid ah xisbiyada Somaliland,  bilowgii sanadkan laakiin waxaa xisbigeedu ku guuldaraystey in uu noqdo Xisbi rasmi ah oo ka qaybgeli kara doorashada Somaliland, arintaasi waxay ku xanbaaretey in ay u janjeersato Siyaasadda Soomaaliya, kadib markii uu xilka Madaxweynaha qabtey Xassan Shiikh Maxamuud oo ay muddo ka soo wada shaqeeyeen arrimaha waxbarashada.

Sababta u weyn ee Fowsiya loogu magacaabey Arrimaha dibadda iyo jagada raysalwasaare kuxigeenka ayaa ah in a dar-dargeliso wada hadalkii Somaliland iyo Dawladda Federaalka ka dhexeeyey, sida ay sheegeen dad ka ag-dhaw madaxtooyada. laakiin wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar oo isla maanta ka hadley arintaas ayaa sheegey in aysan waxba ka beddalayn qadiyadda Somaliland, ayna ka mid tahay gabadhaasi kuwii hore ugu shaqo tagi jirey Muqdisho.

Somaliland ayaa horey u diidey in ay horfariistaan wasiiro ka soojeeda gobolada maamulkoodu ka jiro,  Shirarkii u dhexeeyey Somaliland iyo Dawladda Dhexe waxaa la isweydiinayaa caqabadda ay ku keeni karto Fowsiyo in wada hadalkii sii socdo, iyo in Somaliland oggolaan doonto in ay horfariistaan Wasiirka aarimaha dibadda ee cusub.

4- Caqabadda afaraad ayaa ah sidii ay si dhamaystiran uga guuleysan lahaayeen dagaalada dabada dheeradey ee Xarakada al-shabaab ay kula jiraan, isla markaana ay u bilaabi lahaayeen qaab kale oo aan dagaal ahayn in ay kula heshiin karaan kuwa macquulka ka ah ee dagaalka kula jira dawladda.

5- Caqabada u danbeysa isla markaana aan filayo in ay tahay tan ugu weyn waa dal burbursan 21 sano, wasaarado aan dhaqaale loo hayn, dhismayaashii wasaaradaha oo jiritaan beelay, is waafajinta Wasaaradaha la isu raraey, kaabayashaashii dhaqaalaha oo burbursan, goobaha adeega bulshada oo jiritaan beelay, sidii ay uga soo bixi lahaayeen, sidoo kale sidii ay dalka uga saari lahaayeen halka uu yaal una gaarsii lahaayeen amaan, si dasuurka afti dadweyne loogu ansixiyo isla markaana doorashada soo socota ee baarlamaanku ay noqoto mid dadku codkooda si xor ah u dhiiban karaan. Iyo ugu danbeyntii in ay la yimaadaan maamul wanaag iyo la dagaalanka Musuqa

Gunaanad

Si kastaba ha ahaatee waxaa muddo dheer bulshada Soomaaliyeed ku hamin jireen in ay heleen Baarlamaan tiro yar oo la mid ah kii 1960, tiro wasiiro ah oo aad u yar, kadib markii Xukumadihii 1991 wixii ka danbeeyey ay dhiseen wasaarado aan horey loo maqal iyo tiro wasiiro ah oo mararka qaarkood gaari jirey 90 sida xukuumadihii Raysalwasaare Cumar Carte Qaalib 1991 iyo tii Cali Maxamed geedi 2004.

Xukuumadan oo ah mid rasmi ah isla markaana aan kumeel gaar ahayn, 5 beelood ee Soomaaliyeed si siman u qaybsadeen, tiradeeduna ay tahay mid kooban oo dal intaas oo wasiiro ah iska leh aysan jirin, ama maamul goboleed leh intaas oo kale ma mudan tahay in waqti iyo fursad ay ku shaqeeyaan la siiyo? waxaa jawaabtaas laga sugayaa Xildhibaanada baarlamaanka oo iska leh awooda meel marinta, iyo Bulshada Soomaaliyeed oo leh wada shaqeynta.

I.Haji Said
Horseed media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.