Al Qaida oo ku dhiirigelisay Al Shabaab inay dagaalka sii wado

Hogaamiyaha Al Qacida Ayaman Al Zawahiri ayaa todobaadkan Cajalad filim ah oo uu soo saaray kaga hadlay dagaalada ka socda dalka Soomaliya, AL Zawahiri ayaa ugu baaqay AL Shabaab inay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan xoogaga uu ku sheegay Gaalada duulaanka kusoo qaaday Wadanka Soomaaliya.

Cajaladan cusub ee hogaamiyaha Al Qaida soo saaray ayuu inta badan uga hadlayaa Taariikhda Hogaamiyihii hore ee la dilay ee Al Qaida Osama Bin Ladin, iyo xiriirka ka dhaxeeyey hogaanka Al qaida iyo ururada hoos taga, wuxuuna markaasi sidoo kale si gaar ah uga hadlayaa Al Shabaab iyo dagaalada ka socda dalka Soomaaliya.

Advertisements

Dhiiri gelinta Al Qacida ee ku wajahan Al Shabaab ayaa kusoo beegmaysa xili qeybo badan oo kamid ah koonfurta dalka Soomaaliya oo ay kamid tahay xaruntii Al Shabaabka ee Dhaqaalaha (Kismaayo) lagala wareegay, ayadoo culeys xoogleh Al Shabab kala kulantay ciidamada AMISOM oo isku fidiyey gobalada Banaadir, Shabeelada Hoose, Shabeelda Dhexe, Hiiraan, Bay iyo Jubooyinka.

Hadalka Ayman Al Zawahiri ayaa sidoo kale imaanaya xili la sheegay in dagaalyahanadii ka socday Al Qaida ee ku sugnaa gudaha Soomaaliya, intooda badan ay qorsheenayaan inay dalka Soomaaliya isaga baxaan halka kuwo kalena la sheegay inay ka baxeen koonfurta Soomaaliya oo ay u wareegeen buuraleyda Golis ee ku beegan koonfurta Bosaaso ee Puntland oo hada la sheegayo inay bilihii lasoo dhaafay kusoo aruurayeen dagaalyahano dhanka bada soo maray ayagoo soo baneeyey qeybo kamid ah koonfurta Soomaaliya. Xubno kamid ah Al Shabaab ayaa sidoo kale la hadal hayaa inay gaareen qeybo kamid ah gobalada Soomaaliland gaar ahaan gobalka Togdheer.

Kooxda Al Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay hada xooga saari doonto sidii ay dagalkeedu ugu bedali lahayd mid kudhufo oo ka dhaqaaqa ah, kadib markii awoodoodii ciidan si weyn u wiiqantay kadib markii dagaalo saf-balaaran ah la galeen ciidamada AMISOM oo ka awood badan dhanka Qalabka Militari iyo Hub, go’ aankaasi Al Shabaab horey u qaadatay ee ahaa in dagaal toos ah qaado ayaa noqday mid lagu guuldareystay, waxaana la rumeysan yahay in saraakiil ka tirsan Al Shabaab ay si weyn uga soo horjeedeen habkii ay u galeen dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay gobalada Shabeelada Hoose iyo Jubooyinka.

Dhinaca kale Hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Godane ayaa lagu soo waramayaa inuu xooga hada saaray sidii u balaarin lahaa ciidamada sirdoonka u ah ee Amniyaatka loo yaqaan ayadoo la sheegay dhaqaalihii lagu bixin jiray ciidamada hubeysan ee Al Shabaab u yaqaanan Jayshka, si weyn hoos loogu dhigay bilihii lasoo dhaafay. Arrimahan ayaa salka ku haya awooda dhaqaale ee Al Shabaab oo wax weyn iska bedalay kadib markii laga saaray Ceelasha Biyaha iyo magaalada Kismaayo oo ahayd halka dakhliga ugu weyn kasoo galo kooxdaasi.

Hussein Farah
Horseed Media