Rabshado Cusub Oo Ka Dhacay Magaalada Gaariska Ee Dalka Kenya

. Dugi quraan ku yaala gaarisa oo la gubey (AP Photo/Daud Yusuf)

Rabshado cusub ayaa maanta dib uga qarxay magaalada Gaarisa ee dhacda Waqooyi Bari Kenya, ciidanka Booliska ayaa dhaawacay ilaa 8 qof, iyaga oo isku dayaya in ay rabshadaha ka hortagaan.

Dhawr qof oo kale ayaa Isbitaalka la geeyey kuwaas oo si xun loo garaacay, arintan ayaa daba joogta kadib markii maalintii shalay saddex askeri oo kale lagu diley magaalada Gaarisa iyada oo maalintii Jimcada 16/11/2012, sidaas oo kale bartmaha magaalada Gaarisa lagu diley saddex booliska denbi baarista ka mid ah.

Mid kamid ah shaqaalaha hay’adda Laanqeyrta cas ayaa warbaahinta u sheegay in maantey ay soo badbaadiyeen afar nin, afar gabdhood iyo  laba caruur ah kuwaas oo dhaawacyo rasaas qabey, sidoo kale waxaa Laanqeyrta cas daaweysey ilaa 34 qof oo kale.

Muuse Maxamed oo kamid ah dhakhaatiirta Isbitaalka Gaarisa ayaa dhankisa warbaahinta AFP u sheegay in maanta 15 qof oo dhaawacyo kala duwan ah ay la tacaaleen.

Maalintii Isniita ayaa dab la qabadsiiyey suuqii weynaa ee magaalada Gaarisa kadib markii qof aan la garanayn uu diley saddex askeri oo kamid ah ciidanka Booliska, kadib waxaa magaalada soo galay ciidanka Milteriga Kenya kuwaas oo dadka shacabka ah u geystey khasaarooyin kala duwan, waxaana magaalada dhan u e kaatey goob dagaal.

Wasiirka gaashaandhiga Kenya M. Yusuf Haji ayaa ballan qadey in sharciga la horgeyn doono kuwii ka danbeeyey suuqii gaarisa ee la gubey.

Horseed Media
News Desk

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!