Warsaxaafadeed: Puntland oo Cambaaraynaysa Gardaradda cusub ee Somaliland

Dowlada Puntland ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay ciidamada Soomaaliland ee soo buuxiyey qeybo badan oo kamid ah Gobalka Sanaag, xili ay ciidamada Soomaaliland horey si buuxda isugu balaariyeen gobalka Sool. Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu cambaareeyey waxa loogu yeeray “…Gardaradda cusub ee Soomaaliland…”.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay dhanka Puntland oo nuqul kamid ah Horseed Media soo gaaray ayaa u qornaa sidatan:

Warsaxaafadeed
26 November 2012

Dowladda Puntland waxay si kulul u cambaaraynaysaa gardarrada qaawan iyo isbalaarinta Somaliland kusoo qaaday qeybo ka mid ah dhulka Puntland, iyadoo ciidamada Somaliland ay gudaha usoo galeen deegaano horleh.

Dadka deegaanka oo aad uga caraysan duulaankaan soo cusboonaaday ayaa kacdoon iyo mudaaharaadyo kala horyimid ciidamada Somaliland.

Horaantii bishan November 2012, isla ciidankaasi ayaa gaaray degmada Xuddun ee gobolka Sool, si ay dadka deegaanka ugu qasbaan ka qeybqaadashada doorashooyinka Somaliland.

Dowladda Puntland uma dulqaadanayso gardarrada qaawan ay Somaliland kusoo qaaday gobollada Puntland.

Dowladda Puntland waxay doonaysaa in ciidamada maamulka Hargaysa ay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan deegaanada Puntland, iyadoo talaabadaani militari ee Somaliland ay khalkhalgelinayso xasiloonida taasoo caqabad ku ah nabadgelyada Mandaqada.

Xigasho: Xafiiska Madaxweynaha Puntland

Faafin: Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.