Oday Dhaqameed Lagu Diley Magaalada Beledweyne

Saraakiil ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in Magaalada Beledweyne lagu dilay Allah u naxariistee Sh. Muxumad Sh.Xuseen Marya-cadde oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Odeyaasha Dhaqanka ee Goboka Hiiraan kaasoo ay dilkiisa ka dambeeyeen saddex gacan ku dhiigle.

Mid kamid ah dadka dilka geystay ayaa la qabtay halka labada kalena ay baxsadeen sidaasna waxaa xaqiijiyay saraakiisha Nabadgelyada ee maamulka Gobolka.

Guddoomiyaha la dilay ayaa shalay loo caleemo saaray xilkiisa muddo sanado ah kadib markii Alshabab laga saaray Beledweyne.

Horseed Media
Muqdisho Somalia

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!