Dagaal Mar Kale Ka Dhacay Duleedka Beled Xaawo Gobolka Gedo

Dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa maanta ka bilowday duleedka Degmada beledxaawo kadib markii ay ciidamada dowladda weerareen xarun ay ku sugnaayeen kooxda al-Shabab.

Hal ruux ayaa geeriyooday labo kalena wey ku dhaawacantay dagaalkaas iyadoo ciidamada dowladda,kuwa ahlu sunna iyo shabab ay isweydaarsadeen rasaas muddo saacado ah socotay sida ay ku waramayaan dad goob joogeyaal ah.

Alshabab ayaa dhowr jeer halkaasi duullaan uga soo qaaday fariismooyin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Horseed Media
Muqdisho Somalia

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.