Magaalada Ceerigaabo oo degan kadib mudaharaadyadii dhaawaca keenay

Waxaa maanta lagu wadaa in doorashada ka dhacdo deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland, magaalada Ceerigaabo oo ah xarunta gobalka Sanaag ayaa waxaa shalay ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo guddiga doorashada Soomaaliland kaasi oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 3 ruux.

Mudaharaadkii shalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo ayaa gebi ahaan kala jaray isu socodka magaalada xili halkaasi ay ku sugnaayeen xubno kamid ah Guddiga Doorashada. Shacabka magaalada ayaa si weyn u diidanaa ololaha xisbiga talada haya ee Kulmiye oo ay ku eedeeyeen inuu musuq maasuq xoogleh ku hayo doorashada iyo sanaadiikhda codbixinta.

Shacabka ayaa ku eedeeyey Guddiga Doorashada inuu si toos ah ulla shaqeeyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, isla markaana deegaanka la keenay sanaadiikh ay ka buuxaan codod horey loo soo bixiyey oo been abuur ah isla markaana, sanaadiikhdaasi la rabo in laga dhigo inay yihiin codbixintii shacabka gobalka Sanaag.

Shacabka mudaharaadayey oo ay qeyb ka ahaayeen xildhibaano kamid ah Golah deegaanka ee degmada Ceerigaabo ayaa sheegay in doorashada ay dhici doonin, hadii aan si nidaam ah loo maareyn codbixinta ayagoo shaki weyn ka muujiyey guddiga doorashada ee Soomaaliland.

Sadex qof oo rayid ah ayey haleeshay rasaas ay ridayeen ciidamada Booliiska oo illaalo ka hayey goobaha la dhigayo sanaadiikhda codbixinta, ayadoo dhanka kale shacabkuna ay dhagaxaan waaweyn iyo shaagag la gubay ay dhigeen wadooyinka waaweyn.

Horseed Media
News DeskĀ 

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!