Wafdi ka Socda IGAD iyo AMISOM oo la kulmay maamulka Kismaayo

Waxaa maalinimadii shalay (Salaasa) magaalada Kismaayo booqasho ku tagay wafdi ka kooban saraakiil ka tirsan urur gobaleedka IGAD iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasi oo kulan xasaasi ah la yeeshay maamulka kumeelgaarka ah ee magaalada Kismaayo.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray labo qodob oo kala ahaa:

1- Amniga magaalada Kismaayo
2- Gobalada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe in laga wada saaro Al Shabaab

Qodobadan ayaa lagu falanqeeyey qorshihii militari ee loogu talo galay in gobalada Jubooyinka looga saaro Xarakada Al Shabaab oo la sheegay in wax laga bedalay, walow aan Saxaafadda loo soo bandhigin qorshaha cusub ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo horey looga saaray in badan oo kamid ah gobalada Jubooyinka iyo caasimada dhaqaalaha ee Jubooyinka ee Kismaayo.

Wafdigan ayaa imaanshahooda ahaa mid aan horey loo sii shaacin waxaana kahor inta aysan diyaaradooda soo cago dhigan Airporka Kismaayo, ciidamo xoogan la dhigay wadada isku xirta magaalada iyo Airporka. Sidoo kale waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka gudaha magaalada iyo isgoysyada waaweyn ee Kismayo.

Isgaarsiinta Telefoonada iyo internet-ka ayaa gebi ahaan la jaray intii ay wafdigaasi ku sugnaayeen magaalada Kismaayo.

Horseed Media
News Desk

 

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.