Baaq: Talo Soo Jeedin Masiirka Puntland

KU: Madaxweynaha Dawlad GoboleedkaPuntland Soomaaliya. Bossaso.

KU: Saxaafadda Madaxa bannaan Rugohooda.

Advertisements

OG: Isimada Puntland:   Rugohooda.

OG: Interpeace Niarobi.

Ujeeddo: Talo soojeedin.

Taariikhdu markay ahayd 26/11/2012 Shir ay yeesheen Xubno ka mid ah Guurtida, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beelaha Gobolka Bari,ayaa waxaa lagu lafa guray guud ahaan marxaladda siyaasadda ,Amni ,dhaqaale iyo Bulsho ee dalku ku suganyahay,taas oo ay keentay dareenka shucuubta gobolada puntland oo u muuqda mid kacsan .

Hadaba markii shirku falaqayn dheer ku sameeyeen arrimaha kor ku xusan waxay si wada jir ah isu raaceen Talooyinka hoos ku qoran:-

  1. In ay muqaddas tahay ilaalinta Nabadgelyada iyo Midnimada Puntland.
  2. In labaadi goobo sidii lagu soo celin lahaa qaybaha maqan ee puntland.
  3. In aanay Waqtigan suurto geli Karin in lafuro Ururo Siyaasadeed,iyadoo aan la diyaarin tallabooyinkii ka hormarilahaa Sida:,
  • Hubkadhista Beelaha
  • Tirakoobka Dadka Puntland
  • Kala xadaynta Gobolada iyo Degmooyinka Puntland
  • Samaynta Waraaqaha aqoonsiga
  • Wacyigelinta dadwenaha
  • Nabadaynta Beelaha Puntland ee Colaaddu dhexmartay
  • Xulidda Guddi laguwada kalsooyahay oo hirgeliya hawsha Demuqraadiyadda.
  1. In Dib loo soo xulo Xildhibaano cusub ee puntland,maadaama kuwii hore waqtigoodu ku ekaa 31/10/2012.
  2. In ladiyaaro Doorasho Dawlad cusub oo dhacda 08/01/2013.

Sidaas daraaded Waxaanu halkan mudane madaxwyne kuugu soo gudbineynaa si xushmad iyo qaddarini kujirto in aad tixgeliso talada aanu kuu soo jeedinay,isla markaasna aad xaq shawrto wadajirka umaddii shalay ku dooratay iyo Dastuurka puntland,aadna qaddariso rabitaanka shacabka puntland iyo talooyinkooda,adigoo xusuusanaya Maalinta dambe iyo dhaartii lagu mariyey masuuliyaddii shalay laguu dhiibey.

Wabillaahi towfiiq

Waxgaradkan ayaa sidoo kale baaq u direy hay’adda Interpeace ee fadhigeedu yahay Nairobi Halkan ka akhri

Saxiixa Qorayaasha talada.

Beesha Dishiishe.

  1. Nabadoon Siciid Axmad yuusuf
  2. Maxamuud Maxamad shirwac
  3. Sahal c/salaam yuusuf
  4. Gaacshe Maxamd Axmad
  5. Rooble Cumar Gudcur
  6. Salaad cali Oday
  7. Salaad hiiradAxmad
  8. Siyaasi C/risaaq xuseen gacayte
  9. Siyaasi Maxamuud bile Dubbe
  10. Eng. Siciid maxamad mire

Beesha Cismaan Maxamuud.

  1. C/casiis Boqor Muuse
  2. Maxamuud Cumar Dhoollawaa
  3. Dr.Maxamad C/laahi casaro
  4. Nabadoon Maxamad cabdi yuusuf
  5. Cismaan Khaalid muuse
  6. Faarax xasan cabdalle
  7. Dr.Cabdi Maxamad axmad

Beesha Siwaaqroon.

  1. Nabadoon. Maxamuud Maxamad saalax
  2. Xuseen Maxamad caracar
  3. Cali cawad Ciye
  4. Cismaan Maxamad Haloosi
  5. Cali Jaamac Saalax
  6. Maxamad siciid saalax
  7. Shire Yuusuf fuqyare

Beesha Ugaar saleebaan.

  1. C/casiis Siciid Maxamuud
  2. Maxamad Mxamuud Colow
  3. Cismaan C/raxmaan beyle
  4. Cali C/raxmaan shire
  5. C/Qani yuusuf xirsi

Beesha Cali jibraahiil.

  1. Mxamuud beeldaaje Faarax
  2. Yaasiin cartan Maxamad
  3. Axmad Maxamuud axmad
  4. Axmad siciid Firdhiye
  5. Xasan Huruuse yusuf
  6. Axmad Xasan Maxamuud
  7. Liibaan faarax Xasan
  8. Faarax shire axmad
  9. Mxamad Aadam yuusuf

Beesha Ismaaciil saleebaan.

  1. Cabdi Maxamad Axmad ugaas
  2. C/kariim Saalax Axmad