Falanqayn+Coddad – Madaxwayne Faroole hab haddal hoggaamiye ma leh !

Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole waxa uu la soo muuqday tan marki uu xilka madaxwayne-nimmo ee Puntland uu qabtay mid aad u caro badan cabashooyinka dadka reer puntland iyo cid kasta oo dhaliisha hoggaamintiisa waxa uu soo jeedintoodda kaga jawaabay hadallo gaf ah oo uu qofnimmadda dadkaas diiddan sidda siyaasaddiisu tahay u gaysanaayo , Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole waxa uu siddo kale ku gafay diinta Islaamka isagga oo si aan ka gabasho lahayn u sheegay in Aargti kasta oo dadku curiyaan aysan diintu diiddi karin .

Haddaba Qormadayda oo noqonaysa Falanqayn hab hadalka Madaxwayne Faroole waxay imaan iyadda oo xilligiisa sharciyaddeed ay ka harsan tahay muddo bil iyo dhow maalmood ah balse uu isaggu leeyahay muddo sanad ah ayaan ku darsaday ciddi ka hadasha waa dil iyo aflagaadayn ayaa Akhristayaasha ugu soo gudbin qormadaydaan hadaladda Madaxwayne Faroole ee gafafka ah iyo in uu mudan yahay in Muddo kale Madaxwayne la sii dhaho .

1: Haddeerba ogaadda wax nadaam ah oo diintu diiddi kartaa ma jirto”
Waxaan ku bilaabayaa gafka uu Madaxwyane Faroole kula kacay Diinta ee ah in uu warbaahinta ka sheegay ” Haddeerba ogaadda wax nadaam ah oo diintu diiddi kartaa ma jirto ” hadalkaan ayaa noqonaaya mid diinta Islaamka Gaf ku ah sababta oo ah Nadaam kasta oo bini aadamku qaataan oo garashadda Aaddamuhu curiso ma ahan mid diintu wadda ogoshahay , Diinta ayaa saxnaanta iyo dhunsanaanta kala sheegta ee garashaddu qofku makala saari karto wanaagsanaanta iyo xumaanta waxayna noqonaysaa in la dhaho diinta waxaa ka hormaraaya Caqliga oo sidda aan annigu rabbo ayaan u dhigayaa siddaas oo ah mid aysan diintu iga hor istaagi karin waa sidda Madaxwayne Faroole Yiriye
Hoos ka dhagayso Diintu naddaam ma diidi karto

[powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/12/diinta.mp3"]
2: Mucarad ku xun oo waliba doqon ah ayaad tahay
Xildhibaan Saleebaan Yusuf Indhabuur waxa uu ka soo jeediyay kulan ay isaggu yimaaddeen Baarlamaanka Puntland dhaliilaha Xukuumadda Madaxwayne Faroole isagga oo u dhigaaya hadalkiisa qaabka ugu wanaagsan ee loo soo jeediyo dhaliilaha loogana gol leeyahay soo jeedintaas iyo dhibaatooyinka jirra la xaliyo , Madaxwyane Faroole oo si fudud u caroodda isla markaana caraddiisu gayaysiiso in uu caytamo waxa uu xildhibaan indha buur ku tilmaamay mid mucaarad doqonna ah oo uunna yaqaan shakhsiyaddiisa “Mucarad ku xun oo waliba doqon ah ayaad tahay ”
Indha buur waa xildhibaan aflagaadaynta madaxwayne Faroole uu aflagaadeeyey Xildhibaankaas waxay cadaynaysaa in uu Madaxwayne Faroole yahay shakhsi aad u caro badan , haddi uu qof xildhibaan ah siddaas ulla dhaqmayona mid shacab ah oo hadlay si ka daran uu ulla hadlaayo .

Hoos ka dhagayso aflagaadaynta Indha buur ee Faroole 
[powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/12/indhobuur.mp3"]

3: Masaajidda lama dhisi karo 
Madaxwyane Faroole waxa uu magaaladda Boosaaso ka sheegay in masaajidda ay dhistaan kooxda Al shabaab isla markaana ay xukuumaddiisu mamnuucayso in la dhiso masaajid aysan ogayn , waxa uu sidoo kale sheegay in deeggaanadda yar yar aysan mudnayn in Masaajid laga dhiso waxa uuna yiri isagga oo arintaas sheegaaya “Magaallo yar oo Carta la dhaho waxaa ka dhisan masaajid wayn ” dabcan taas macnaheedu waa in aysan magaaladdaas yari mudnayn in masaajid laga dhiso qorshaha masaajidda ee madaxwayne Faroolena yahay in magaalooyinka waawayn kaliyi masaajido yeeshaan .

Hoos ka dhagayso magaaloyinka yaryar masaajid ma yeelan karaan 

[powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/12/masajidm.mp3"]
4:Afguduud waa Aalkoliiste ,Maxamed waa reer kismaayood madaxaana looga jirraa .
Madaxwayne Faroole waxa uu ka xanaaqay dood ay Voa-da qaybteeda afka Soomaaligu ay ka samaysay xaaladda Puntland ee xilligaan, Waxaa doodda ka qayb galay Maxamed Cali Xaaji oo ah guddomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Nairobi Iyo Colonel Cabdirisaaq Afguduud oo isaggu taliye ciidan oo darajooyin kala duwan ah ka soo Noqday Puntland , Madaxwyane Faroole oo dooddaas ka carooday siddi caaddada u ahayd waxa uu aflagaadeeyey labbadi qof ee ka qayb galay dooddaas waxa uuna ku kala tilmaamay nin Aalkoliiste ah iyo nin waalan in ay kala yihiin aysana mudnayn in ay hadlaan dad noocaas oo kale ah oo nolosha ka dhacay .

Hoos ka dhagayso Aflagaadaynta 

[powerpress: url="http://som.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/12/aflagaado-afguduud.mp3"]

Hadal qaabeedka Madaxwayne Faroole ayaa u muuqda mid ay ku dhaqmaan madaxda macangaga ah isla markaana aan lahayn aragti siyaasaddeed shakhsiyadeed oo kala garanaysa in hadalku yahay mid lagu hago bulshada loogana fakaro in lagu kasbado shacabka iyadda oo la iska ilaalinaayo oraah kasta oo kuu keeni karta in laguu arko mid aan mudnayn hoggaamin oo ka dulqaad hooseeya shacabka isla markaana aragtidda ka soo horjeedda dadka ay ka soo yeerto  aflagaado u gaysanaaya .

In diinta lagu sheego mid aan aragtidda bini aadamka nooca kasta oo ay tahay aan diiddi karin waxay muujinaysaa in qofka ay ka soo yeertaa uu yahay mid hadalka Alle hoosayn galinaaya oo leh caqliga ayaa waxyiga ka sareeya oo diintu waa in ay u hoggaansanto garashadda .

Hoggaan Maamul oo aan lahayn dulqaad waxa uu ku kacaa in uu aragtidiisa ku meel mariyo hab muqunin ah isla markaana uu ku kaco xabsiyayn xad gudub ah iyo dilal in uu gaysto maddaama heerka caradda hoggaankaasu ay gaarsiisan  tahay in uu aflagaaddeeyo dadka .

Madaxwayne Cabdiraxmaan xilligaan waxa uu leeyahay waa in muddo dherersigayga aan lagga hadlin ciddi ka haddashana waa kaas aflagaadaynta ulla taagan waxa uuna sheeganayaa in uu doorasho daddeed ka hirgalinaayo deegaanadda Puntland hadda jirta , Haddaba Akhriste iswaydiintu waxay noqonaysaa Madaxwaynuhu haddii uusan u dulqaadan karin aragtidda dadka diiddan oo uu ka caroonaayo ayna gaarsiinayso caradiisu in uu shakhsiyadda dadkaas ku gafo siddee ayuu dadka ugu cancin karaa muddo sanad ah oo soo socota sharci daddeedka Puntland aan waafaqsanayn Madaxwayne isii dhaha? Akhriste miyaad waligaa maqashay Sheekh Muslim ah oo leh diintu naddaam ay diiddi kartaa ma jiro haddi aaddan maqlin madaxwayne Faroole fadwaddiisu saw caqlaawiyad xakun jeclaysigu keentay oo gaf diinta ku ah saw ma ahan ? Haddii madaxwayne Faroole uu Gollihiisi Baarlamaanka aflagaadaynaayo Shacabka maxaa ka cilin karra ? Magaallo yari masaajid ma mudna waa arin aan wanaagsanayn oo masaajiddu waa goobaha Alle lagu caabuddo in ay bataana waa wax wanaagsan ee Madaxwayne Faroole ma Al shabaab ayaa Soomaaliya joogta in lagu tirtiri karo masaajidda oo aan la dhisin miyaa aragtiddiisu ?

Waxaan ku soo idlay Madaxwayne Cabdiraxmaan Siyaasaddiisu waa mid fashilantay oo waxa dhashay inti uu xilka hayay in deegaannaddi Puntland ay kala tageen oo Maamulo kale ka samaysmeen deegaanno Puntland dastuuri u ah , Madaxwayne Faroole waxa la taagan yahay in uu ku gafo diinta islaamka iyo in uu aflagaadeeyo shacabka iyo madaxda Puntlandta uu madaxwaynaha u yahay kolkaas qofka intaanu deeqi wayday oo Madaxwayne Faroole ayaa mudan lihi isaggu miyuusan aqoon in aflagaado ka soo yeerta qof hoggaamiye ahi ay tahay mid aad u fool xun qof jecel in aragtiddiisa uu aflagaadayn ku mutaystaana uusan jirin guud ahaan bini aadamka .

Bulshadda Puntland xilligaan waxaa ay ku jirtaa xaaladda aad u qatar baddan taas oo uu sababteedda leeyahay Madaxwayne Faroole oo issagu ah qofka aynu hadalkiisa halkaan ku hayno ee la soo taagan hebel waa doqon iyo diinta islaamku aragtidda kama hor imaan karto , Xaaladdaas adag xal waa leedahay balse waa kolka ay dhamaan dadku wadda dareemaan in Cabdiraxmaan Faroole uu yahay mid Fashilmay mudnaantiisuna tahay in uu meesha dhaafo ee aysan dadka qaybtood ku taageerin si hoose u fakar iyo danna hoose oo aan mudnayn in masiirka ummadda Puntland lagga hor mariyo .

W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: 
 Dooxajog5@hotmail.com

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.