Xisbi Xaakimka Somaliland ee Kulmiye oo lagu eedeyey inuu Doorashada ku shubtay

Guddoomiyaha Xaqsoor Xasan ciise iyo Taagerayaashiisa

Qaar kamid ah Xisbiyada ka jira Somaliland ayaa sheegay in Xisbiga xilka haya ee Kulmiye uu ku shubtay qaar badan oo kamid ah Sanaadiikhdii codbixinta oo qaarkood la sheegay inaan shacabka codka ku ridin balse laga buuxiyey waraaqo horey loo sii diyaariyey.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xisbiga Kulmiye goobaha ay codka ku shubteen ay kamid ahaayeen deegaanada Sool iyo Sanaag oo la sheegay in sanaadiikhdii laga soo dhiibay Hargeysa ay ku shubeen codadka Askarta dowlada oo la sheegay in xukuumada ku amartay inay u codeeyaan xisbi Xaakimka ee Kulmiye.

“….Waxaa jiray 75 Sanduukh oo la yidhi Waa la Kanselay (la joojiyey) balse sanaadiikhdaas laga soo buuxiyey waraaqo been ah….midda kale ciidamadii dalka ee noo dhaartay oo qaba dareeskii ciidanka bay xukuumada ku khasabtay inay codka ugu shubaan xisbi xaakimka..” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Xaqsoor Keyse Yuusuf oo shirkaasi jaraa’iid ka hadlay

Xisbiga Xaqsoor oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxaa halkaasi warbixino lidi ku ah sidii loo maareeyey doorashada kusoo bandhigeen qaar kamid ah korjoogayaashii xisbiga ka tirsanaa ee gobalada loo kala diray.

Weli laguma dhawaaqin natiijada doorashadii Soomaaliland ee ka dhacay deegaanadaasi 28kii bishan November, waxaana durbaba soo baxaya eedaynmo ku aadan Guddiga Doorashada iyo Xukuumada oo la sheegay inay si khaldan wax u mareeyeen halka goobaha qaarkood laga soo sheegayo in codadka uu ku shubtay xisbiga xilka haya ee Kulmiye oo la sheegay inuu adeegsanayey Askarta ama ciidamada amniga sugayey.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka xaqsoor Xasan Ciise Jaamac ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in lagu shubto doorashada, asagoo ugu baaqay in si deg degleh wax loo saxo intaan wakhtiga dhicin, halka uu taageerayaasha xisbigiisa ugu baaqay inay amniga illaaliyaan.

“…Gobalada Bari iyo Galbeedka waxaa ka dhacday ku shubasho xoogleh…” ayuu yiri Guddoomiyaha Xaqsoor Xasan Ciise Jaamaca oo shirka jaraa’iid ka hadlay.

Goobaha sida weyn loo hadal hayo in codadka lagu shubtay ayaa waxaa kamid ah magaalada Xudun ee gobalka Sool oo uu dagaal xoogleh halkaasi ka dhacay.

Hase yeeshee guddiga doorashada ee Soomaliland ayaa sheegay in codadkii Xudun la hayo oo la tiranayo, taasi oo dadka shaki badan ku abuurtay, sidoo kale degmooyin kamid ah gobalada Sanaag, Awdal iyo magaalooyinka qaarkood sida Gebiley iyo Goobo kale oo la sheegay in sanaadiikhdii loo waday qaarkood la joojiyey ayaa la sheegay in codadkooda hada la isku heysto.

Doorashadii ka dhacday deegaanada Soomaaliland ka arrimiso ayaa waxaa ku tartamayey golayaasha deegaanka 7 xisbi oo kala ah:  Kulmiye, Xaqsoor, Wadani, Dalsan, Rays, UCID iyo Ummada.

Horseed Media
News Desk 

Take The Conversation Further

We'd love to know your thoughts on this article. Meet Horseed over on Google+ or Twitter to join the conversation right now!