Dhacdaddii Xannuunka Lahayd ee Afduubka, Jirdilka, Xariga iyo Sharaf-ka qaadka La Iigugaystay [Faallo]

Garyaqaan, Cabdi Jaamac Xirsi Kilimbe oo kamid ah Qareemada Puntland oo la soo xariiray Horseed Media ayaa warbixintan uu soo saaray uga hadlaya Xarigii sharci darada ahaa ee loo geystay, isla markaana qeexabaya nolosha iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka lagu xiro xabsiyada Puntland,  iyo waliba heerka uu gaarsiisan yahay Garsoorka Puntland oo hada noqday mid aan wax horumar ah laga sameyn.

Warbixintan Dr.Cabdi Kilimbe ayaa u qoraneyd sidatan.

Dawladda Puntland Ee Soomaaliya

Xafiiska Qareenka Gaalkacyo

Dr. Cabdi Jaamac Kilimbe

Warqad furan:

___________________________________________________________________

Ref: XQG/GM/140/2O12                                                                          Taariikh: 12/11/2012

KU:-Urrurka Garyaqaanada  ee  Puntland                                          Fadhigooda

KU:- Urrurada Xaquuqda Aadanaha ee Puntland                               ‘’   ‘’ ‘’  ‘’  ‘’

KU:-Urrurada Bulshada Rayidka ee Puntland                                     ‘’  ‘’  ‘’  ‘’  ‘’

KU:- Indheer-garadka iyo Aqoonyahanka Puntland                           ‘’   ‘’  ‘’  ‘’  ‘’

KU:- Saxaafadda Madaxabanaan ee Puntland                                  ‘’  ‘’  ‘’  ‘’  ‘’

Ujeeddo: Dhacdaddii Xannuunka Lahayd ee Afduubka, Jirdilka, Xariga iyo Sharaf-ka qaadka La Iigugaystay 6/11/2012 Aggagaarka iyo Gudaha Xabsiga Gaalkacyo.

Anigoo ah Garyaqaan Cabdi Jaamac Xirsi-Kilimbe,muddo 35 sano ah kusoo dhexjiray shaqadda Garsoorka,(15 sano ayaan ahaa Xeer-illaaliye iyo Garsoore Maxkamadeed ee ciidamaddii qalabka siday ee dowladdii hore Soomaaliyeed,7 sananna ahaa kuxigeenka Xeer-illaaliyaha guud ee Dowladda Puntland, 8-sanno ee u danbeeyayna ahaa Garyaqaan madaxbanaan iyo u doode xaquuqda aadanaha, ayaan waxaan urrurada magacyadoodu kor ku tidcanyahiin ugu soo gudbinayaa, warqaddaan furan, oo aan ku xusaayo dhacdadii aadaminimada ka baxsanayd, ee 6/11/2012 la iigu gaystay aggagaarka iyo gudaha xabsiga dhaxe ee Gaalkacyo, waxaana la ii gaystay.

  • Afduub
  • Jirdil ba’an
  • Xarrig-sharcidaro ah
  • Sharaf-kaqaad

Taariikhda aan kor kusoo xusay,annigoo kasoo rawaxay kaqaybgalka dacwad aan qareen ka ahaa,oo lagu qaadayay guddaha Xabsiga Dhexe ee Gobalka Muddug, oo ay qaadaysaMaxkammadda Ciidamadda Qalabka sidda ee DPL, markii aan kasoo baxay Xabsiga oo aan maggaaladda u soo socono, ayaa meel aan ka dheerayn Xabsiga, oo qiyaastii 600 Mitir u jirta dhismaha Jeelka, waxaa jidgooyo noo dhigtay bartamaha dhabbihii aan ku soconay, koox wadda hubaysan oo Kuray-Askareed ah, oo Magaca Booliska Dowladda Puntland ku hawlgalaysay, ha yeeshee aan Astaan, Muuqaal, iyo Dhaqan Ciidan-Booliis ahi midkoodna kamuuqan, judhiiba, markii aan kusoo dhawaanay halkii ay jidgooyaddu u taalay, ayay  rasaas nagu fureen, islamarkaana ay si qasab ah nagu joojiyeen, kadibna anniga ayay qasab igalasoo daggeen gaarigii aan watay, waxayna igu bilaabeen jirdil ba’an oo koox-wadareed ah, iyagoo jirdilkaas iguwadda ayay si qasab iyo afduub ah igusaareen gaarigii ay wateen iyagoo aan wax hadal ah i oran, anniga oo aan garanayn sababta aan dilka Aadanimo-kabaxaa iyo afduubka aan ku mutaystay, ayuu dhaqaaqay gaarigii ay I saareen oo ku socda xawaare sare oo niddaamka-gaadiidwadidda iyo dhabbo-maristaba qilaafsan,annigoo siigada ka kacaysa xawaaraha uu gaarigu kusocddo aan waxba indhaha ka arrag,waxaan ku barraarugay innaan hortaaganahay irridda wayn ee Xabsiga, markii albaabkii Xabsiga la furay ayaa kooxddii aan u afduubnaa gaariga xoog iiga soo tureen,waxaana mar labaad laygu bilaabay jirdil iyo katiinad si xoog leh laygu xirray.

Guddaha Xabsiga ayaa lay galiyay iyadoo kooxdii Magaca Booliska-matalaysay ay dil iyo hantaatuqayn igu waddaan,intaas kadib ayaa qolalkii xabsiga mid kamidda waxaa kasoo baxay Xeer-Illaaliyaha Maxkammadda Ciidamadda Qalabkasidda ee DPL oo qaylo dhaan ku dhuftay ,una soo yeeray dhamaan Guddiga Fulinta ee Gobalka oo uu kamaqan yahayd Duqa magaalada, Gudoomiyaha Maxkammadda Racfaanka G/Mudug, inkastoo markaas waxii kadanbeeyay dilkii layga joojiyay haddana maddaxdii ii timid qof arrintaydda kahadlay majirin ee qolkii ay kayimaadeen ayay dib ugu laabteen,waxaase dareen danqasho leh ii muujiyay Dhame C/laahi Xirsi Cilmi Xeer-Illaliyaha Ciidanka,iyo Garsoorayaashii Maxkammadda Ciidammadda, markaas kadib ayaa annigoo wali u goobaysan kooxdii Xabsiga I keentay ay si hadal-afeed ah iigu sheegeen in aan xirranahay oo amarka laygu soo xirray uu bixiyay Guddoomiyaha Maxkammadda Racfaanka G/Mudug, intaas kadib anniga oo aan waxba lay waydiin  ayaa laygu xiray qolka maxaabiista oo aan 34 saacadood ku xirnaa,waxaa la ii diiday in ehalkay isoo booqdaan 20 saac kadib ayaa qofkii ugu horeeyay oo ehalkayga ka midda ii yimid.

Marka 1aad:-waxaa lagu xadgudbay xaquuqdaydii Aadaminimo,si ku cad Dastuurka Dowladda Punland,qoddabadiisa 116aad iyo 117,( ee kahadlaya xafiiska xaquuqul Aadanaha iyo awoodaha xilka difaacaha xaquuqul Aadanaha), waa waajib saran Dowladda Puntland dhowrista xaquuqdda Aadanaha,Karaamadda Aadanaha waa laguma xadgudbaan dhowristeedana waa waajib saaran dadka oo dhan iyo Dowladda gaar ahaan,karaamadda Aadannahu waa deeq ILLaahay Subxaana Watacaalaa ku manaystay qof kasta oo Binni-Aadam ah xaquuqda Aadannahuna deeqdaas ayay kasoo unkantaa,sidoo kale waa waajib koommi iyo dastuuriyanba ah in qofkasta, hay’adkasta oo Dowladdeed oo heerkasta ah, hay’adkasta oo gaar-ahaaneed,iyo dhamaan saraakiisha Dowladdu marka ay gudanayaan waajibkoodda waa in ay illaaliyaan kuna xadgudbin Xaquuqdda aasaasigaa ee Xorriyadda dadka.

Marka 2aad:-waxaa lagu xadgudbay xaquuqdaydii Dastuuri ee xorriyadaydda shaqsiyadeed ee ku cad Dastuurka Puntland,qoddabka 18aad farqaddiisa 1aad oo leh, (qofna madaxbannaanidiisa lagama qaadi karo,xanibaadkasta oo lagusameeyo waa in ay sharciga ku cadahay).

Marka 3aad:-waxaa lagu xadgudbay xaquuqdaydii Dastuuri ee nabad-galyadda jirkayga,sidda ku cad Dastuurka Puntland qoddabkiisa 17aad,farqadiisa 2aad (qofkasta waxaa uu xaq u leeyahay nabad-gelyadda jirkiisa,iyo sharafkiisa), sidoo kale isla qoddabka 17aad farqadiisa 3aad,(waxaa reeban danbiyadda laga galo xaqa nolasha iyo nabad-galyadda qof kasta sida jirdil iyo dil aan sharciga waafaqsanayn).

Marka 4aad:-waxaa lagu xadgudbay xaquuqdaydii Dastuuri ee Xasaanadda sharaf-dhowrkayga maadaama aan leeyahay Xasaanad u dhiganta tan Garsoorayaasha  maxkammaddaha Puntland, ee ku cad qoddabka 130 ee Dastuurka Puntlan farqadiisa 6aad,(lama xiri karo Garsoorayaasha Maxkammaddaha haddii aan lagu qaban iyagoo fal-danbiyaad gacanta kula jira), sababtoo ah waxaan Garsoorka Dowladdii Soomaaliyeed iyo Tan Puntlanba kasoo shaqaynayay muddo 22 sano ah, isla markaana aan jagooyin waawayn kasoo qabtay, sidoo kalana aan hadeer ahay Garyaqaan maddaxbanaan, Mihnad ahaana ay aqoonsan tahay kana diiwaangashan Maxkammadda Sare ee Dowladda Puntland, islamarkaana dhinac ka ah nidaamka Caddaaladda iyo Garsoorka Bulshadda sida ku cad qoddabka 26aad ee Dastuurka Puntland farqadiisa 7aad, (eedaysane kasta waxaa uu xaq u leeyahay inuu qareen difaaca qabsado, iyo sidoo kale qoddabada 14,15,16, XCS.

Khasaaraha isoo Gaaray

Khasaaraha iga soogaaray dhacdadan xanuunka leh waa mid leh Maadi iyo Macnawiba waana sidan

  • Dhaawac muuqda iyo mid aan muuqan oo meelo kaladuwan oo jirka ah iga gaaray,iigana yaal.
  • Muraal-jab ama Qalbi-jab ballaaran oo isoo gaaray .
  • Sharaftaydii iyo Sumcadii aan Bulshadda ku Dhexlahaa oo Dhaawac wayn soo gaarya.
  • Shaqadii aan Ummadda u Hayay ee  u Qareemista oo Joogsatay kadib Markii ay Khalkhal gashay nafteydii .
  • Kiisaskii aan Dadwaynaha Qareenka uga ahaa ee Socday oo Burburay ama Joogsaday.
  • Buugaagtii Shuruucdda oo aan Bulshadda ugu Qareemi jiray oo la Jeexjeexay sida Xeerka Ciqaabta iyo Habka Ciqaabta.
  • Dukumiinti Sir ah oo Bulshadu lahayd oo lagala Baxay faylashii markii  Xoogga laygu xiray.
  • Gaarigii aan watay oo ii Kiraysnaa oo Muraayadaha laga Burburiyay.
  • Ookiyaalahaygii Aqriska oo Fareemadii laga Burburshay.
  • Shaatigii aan qabay oo layga Jeexjeexay.

Sida aan kor ku soo xusayba, markii gudaha Xabsiga laygu dhex dilay, waxaa goob joog ka ahaa oo arkayay dhammaan Maddaxdda Gobalka Mudug, sida Guddoomiyaha Gobalka (Maxamed Yuusuf Jaamac), Taliyaha Xabsiga Dhexe (Aadan nuur Qaal), Ku simaha Xeer-Illaaliyaha Gobalka (C/qaadir Matoote), Garsoorayaasha Maxkammadda Racfaanka G/Mudug, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka G/M (Axmed SH Maxamed Sh Ibraahim), iyo Garsoorayaasha Maxkammadda Darajadda 1aad ee G/M, dhammaan masuuliyiintaas oo goob-joog ahaa wax ay arrinkayga ka yiraahdeen iyo wax ay ka qabteen midna majirto.

Waxaa halkaas iiga cadaaday  in ciidanka la ii adeegsaday iyo in bartaas jidgooyo la ii dhigto ay ka danbeeyeen Gudoomiyaha Gobalka Mudug iyo Taliyaha qaybta Booliska ee Gobalka Mudug, dhamaantoodna ay ka midaysnaayeen dhibaatada la ii gaystay,ayna isdhexgaliyeen awoodihii fulinta iyo Garsoorka,oo aan midkoodna awood u lahayn xarrigayga ee ay tahay ku takrifal  awooda xafiisyadda (office of power abuse).

Waxaan garwaaqsaday in ay  anniga manta meerto iigu soo aaday, ollale balaaran oo 3dii  bilood ee lasoo dhaafay ka soconayay Gobalka ilaa hadana ay wali wadaan , ollalahaas oo xabsiyeyn aan baaris iyo maxkamadayn midna lahayn  Gobalka Mudug lagawaday,  ficiladda kooxda aan kor kusoo sheegay ee maamulka Gobalka Mudug,waa koox u abaabulan una darban laba-kaclaynta iyo xoog-kumeelmarinta sanadkororsiga Golayaasha Dowladda Puntland.

Xaalada Xabsiga Dhaxe ee Gobalka Mudug

34 sacadood ee aan Xabsiga ku xirnaa waxaan xabsiga ku arkay,horana aan qaar kamida u oggaa in maxaabiista xabsiga dhexe ku jira ay 3 jibaar kabadan yahiin inta xabsigu qaadi karo,waxaan kaloo xabsiga ku arkay in kabadan 60 maxabuus oo aan xukun, baaris iyo maxkamaddayn midna lahayn muddo 3 bilood iyo in kabadan,caafimmaadka inbadan oo maxaabiista ah waa liitaa,waxayna la ildaranyahiin ,cudurka isnadaamiska (Scappia disease )oo aad isleedahay ma safmar ayuu ku yahay,cudurada neef-mareenka ku dhaca sida (bronchitis,Pneumania, and suspect Pulumanery Tb),sidoo kale waxaa maxaabiista dhibaato wayn kuhaya kaneecada oo sidii ayaxii oo kale ah oo aysan u haysan maro-kaneeco ay ka galaan,iyo waxyaabo badan oo cabashooyin ah sida inaysan haba yaraatee aysan arag qorraxda.

Xabsiga Dhexe ee Gobalka Mudug waxaa Haysta Sarkaalka la yiraahdo Aadan Nuur Qaal, oo aan aqoon u lahayn maaraynta maaulka xabsiga iyo xaquuqda maxaabiista,waase nin 15 sano ee lasoo dhaafay lagu aaminay maamulka xabsiga ma’aqaan sababta uu ku mutaystay,malahayga waxaa loogu doortay naxariisdarada iyo indha-adayga uu u leeyahay xilliyadan qalafsan ee burburka lagu dhexjiro,mr Aadan Nuur, waxaa uu kamid ahaa barbaartii xoola dhaqatada deegaanka uga soo ciidantay Jabhadii SSDF 1980kii, kadibna maamul-toleedkii Gobalada waqooyi Bari Soomaaliya ee SSDF  1994-1998 ayaa sarkaalnimo u aqoonsatay xabsigana u dhiibtay, sidaas ayuu Maamul-Dowladeedka Puntland ee 1998 la unkay kula jaanqaaday,aragtidayda maamulximada xabsiga dhaxe ee Gobal Mudug iyo aqoondarada iyo amar-kutaaglaynta Garsoorka Mudug waa barceebeedka wajiga kaga taal maamulka Puntland.

Gunaanad;

Waxaan inta badan idaacadaha ka dhagaystaa wasiirka Dowlad-wanaaga/maamul wanaaga oo siminaarada Garoowe riwaayad sheeko-xariireed ah kaga sheekaynaya,awooda maamul wanaag samaynta ee Dowladana waxay kusoo aruurtay oo kaliya,sheeko xariireedka wasiirka iyo adeegiisa wasaaradeed, hadaba aan iswaydiino maxuu yahay Dowlad-wanaagu?

Xiliyadii hore Dowlad wanaagu waxaa uu ku koobnaa hagaajinta maamulka guud ee xafiisyada dowlada kaliya ,maantase Dawlad-wanaaga waxaa kujira awooda kudhaqanka iyo meelmarinta sharciga iyo maaraynta Siyaasada,Dhaqaalaha,iyo Horumarinta arrimaha Bulshada ee wadanka (in the past term good Governance, was limited to improving  Public Administration but today good Governance includes mean the manner in which power and the application of low exercised in the management of Country ’s Political, Ecnomical, and Social Devolopment.) ugu danbayntii waxaan ururada iyo indheergaradka ay waraqadani kusocoto ugu baaqayaa in ay indho fiiqan u yeeshaan xaaladaha cakiran ee manta inta badan gobaladda Puntland kajira gaar ahaan Gobalka Mudug.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug (Maxamed Yuusuf Jaamac, waa nin u diyaarsan ilhaameynta Sharciga iyo Garsoorka taasina ay ugu wacantahay inuusan markiisa horeba aan ahayn mid aqoon u leh waxa loo dhiibay is la mar ahaantan ay isaga dhex yaacsantahay waxa Maamulyahay iyo Fulintiisa.

Garyaqaan, Cabdi Jaamac Xirsi Kilimbe

Email, bashiirhali@gmail.com
Tell,   +252 90 7513 48
Galkacyo Puntland

Facebook Commnets Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.