Madaxweyna​ha Somaaliya iyo Wefdi uu hogaaminay​o oo safar ugu kicitimay wadanka Turkiga

Madaxweynaha D F Somalia iyo wefdi heer sare ah uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga.

Advertisements

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud oo ay wehliyeen K/X R/Wasaaraha ahna Wasiirka arrimaha dibadda Fowsiya yuusuf Xaaji ,Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan,Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi,Taliyaha Ciidmada Xoogga Dalka Gen.C/qaadir Sh Cali Diini, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Axmed Macallim Fiqi iyo saraakiil kale ayaa markii ugu horreysay booqasho rasmi ah ku aaday dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha Dibadda ayaa Saxaafadda u xaqiijisay in wefdiga Madaxweynaha ay Casuumaad rasmi ah ka heleen Madaxweynaha Dalka Turkiga Cabdalla Guul iyadoo booqashada wafdiguna qaadan doonto Maalmo islamarkaana ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Turkiga oo ay ka wada hadli doonaan horumarinta Xiriirka Labada dal iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada Turkiga uu siiyo wadanka Soomaaliya.

Wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee u kicitimay Turkiga ayaa Garoonka waxaa kasii saagootiyey Madax ka tirsan dowladda oo ay ugu horreeyaan R/wasaare C/Faarax shirdoon iyo Afheyeenka Baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Waa markii sadexaad ee uu Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ka dhoofo wadanka
tan iyo markii uu si rasmi ah ula wareegay hogaanka guud ee dalka. Madaxweynaha ayaa dhawaan dib uga soo noqday safaro uu kusoo maray dalalka Jabuuti iyo Itoobiya. Wuxuuna horey u booqday dalka Ugandha.

Horseed Media
Muqdisho-Somalia

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.