Taliyaha Ciidamada Taraafikad​a Gen. Cali Gaab oo lagu dhaawacay Muqdisho

Gen. Cali Xersi Barre Cali- Gaab ayaa maanta ku dhaawacmay Rasaas uu ku furay mid kamid ah Askar ay isbaaro u taalay Wadada u dhaw 21-October halkaas oo ay ciidamadiisu ka wadeen Howlgallo lagula dagaalamayo Maleeshiyaadka dhigta Jidgooyooyinka.

Taliye Cali Gaab ayaa Dhaawaciisa loo qaaday Isbitaalka daaru shifaa ee Magaalada Muqdisho halkaas oo lagu dabiibayo.

Taliyaha ayaa saxaafadda u xaqiijiyay isagoo dhaawac ah in xaaladiisu ay wanaagsantahay rasaastuna ay ka haleeshay Lugta.

Sidoo kale  Taliyaha waaxda Baarista dambiya CID-da Gen. C/Laahi Xasan Bariise oo sidoo kale ah Afheyeenka Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay ciidamadu soo qabteen ninkii dhaawacay taliyaha nabadgelyada waddooyinka ee Taraafikada lana horgeyn doono sharciga.

Horseed Media
Muqdisho-Somalia

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.