Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmey dhigiisa dalka Turkey

madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo safar ku tegay dalka Turkiga ayaa maanta la kulmey madaxweynaha Turkiga Abdalla Gull.Kulankan uu Madaxweynaha Soomaaliya la yeeshay madaxweynaha Turkiga Cabdalla Guul ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada waddan iyo sidii loo horumarin lahaa taageerada Turkiga ee Somalia.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Turkiga ayaa markii uu soo idlaaday kadib waxaa saxaafadda shir jaraa’id oo wadajir ah u qabtay labada madaxweyne kuwaasoo caddeeyay inay muhiim tahay in lasii xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ballan qaaday inay sii wadayaan Taageerada ay Dowladdiisu siinayso Somalia.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa isna uga mahadceliyay Dowladda Turkiga tallaabada geesinimada leh oo ay Turkiga ku garab taagantahay Somaliya waxa uuna xusay in Shacbiga Soomaaliyeed aysan iloobayn taageerada loo muujiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maalinta Khamiista ah ka dego magaalada Istanbul halkaas oo uu kula kulmi doono R/Wasaare Rajab Tayib Erdogan iyo masuuliyiin ka tirsan dalka Turkiga.

Wasiirrada gaashaandhigga Dowladaha Somaaliya iyo Turkiga ayaa si wadajir ah iyagana u saxiixday heshiis labo dhinac ah oo la isaga kaashaanayo horumarinta, amniga,siyaasadda iyo dhaqaalaha Somalia.

Horseed Media
Muqdisho Somalia

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.